Uncategorized

Xisbigii Ikhwaanka Masar oo la mamnuucay,maxaase hantidoodii laga yeelayaa?

Qahira Oct 04,2013(SDN)-Dawlada dalka Masar ee garabka ka heysata ciidamada dalkaasi ayaa shaacisay goaan ay hore uga gaadhay xisbigii Ikhwaanka ee talada dalkaasi laga fara maroorsaday.

Maxkamad dalkaas ku taal ayaa hore u shaacisay goaan ay ku mamnuucday xisbiga Ikhwaanka,rafcaano faro badan ka dibna waxa ay haatan shaacisay maxkamadu in si rasmi ah loo mamnuucay xisbigii Ikhwaanka.

Dawlada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay sidoo kale goaan ka qaadato waxa laga yeelayo hay’adaha iyo adeegyadii ay Ikhwaanku maalgelin jireen.

Dawlada ayaa laga yaaba in laba mid ay yeelaan,i ay la wareegaan ama qudhooda mamnuucaan hay’adaha iyo adeegyada ay ka midka yihiin Cusbitaalada,dugsiyada iyo goobaha quudinta ee ay gacanta ku hayeen Ikhwaanku.

Hani Mahanna oo ah afhayeenka wasaarada wadajirka Bulshada oo ah ta hirgelineysa goaanka maxkamadeed ayaa sheegay in gollaha wasiirada Masar ay guddi u saareen waxa laga yeelayo hantida Ikhwaanka.

Iyada oo Ikhwaanka la mubnuucay ayaa hadana taageereyaasha xisbigaasi weli ay qabtaan isu soo baxyo kuwii hore ka yaryar ay caradooda ku muujinayaan.

Ikhwaanka oo mudo 85 sanadood ah mamnuuc ahaa ayaa haatan dib ugu noqday suuq madoo,balase uma muuqato in dhawaanahan cidi muquunin doonto.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com