Uncategorized

Obama oo ku cariyay Guddoomiyaha Wakiilada Mareykanka in uu cod geliyo qorshahiisa

Washington Oct 04,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ka hadlay dooda baarlamanaka ka taagan ee xanibtay adeegyadii dawlada dalkaasi maalintii afaraad ayaa u soo jeediyay Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in miisaniyada dalka oo ay hore u ansixiyeen aqalka Senate-ka uu cod geliyo oo hadii la ansixiyana uu aqbalo natiijada.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Mareykanka John Boehner ayaa hore iyo gadaalba u diiday in uu cod geliyo miisaaniyada dalka sababo la xidhiidha in miisaaniyada la ansixin doono isna uu sidaa ku waayi doono xilkiisa.

Xisbiga Guddoomiyuhu ka tirsan yahay ee Republicans-ka ayaa waxa ka mida haatan tiro mudeneyaala oo aad ugu meyal adag in Obamacare meesha laga saaro ama Guddoomiyaha Wakiiladu dhacayo.

“Waxa Qura ee hortaagan in Mareykanku shaqadii ku noqdo,dawladu shaqeyso,caafimaad la helo waa Guddoomiyaha Wakiilada John Boehner oo ka baqanaya carada koox xag-jiriina oo xisbigiisa ku jira”sidaa waxaa yiri madaxweyne Obaama.

Republicans-ka ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo mashruuca caafimaadka ee ObamaCare oo ah mashruuc u saamaxaya Shicib badan oo Mareykan ah in ay helaan adeed caafimaad oo ay awoodi karaan.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com