Uncategorized

Dawlada Talyaaniga oo Baroor diiq u Samaynaysa Tahriibayaashii ku Geeriyooday Xeebta Lampadusa

Lampadusa 04.October 2013 (SDN)-  Dalka Talyaaniga ayaa maanta laga xusayaa maalin baroordiiq ah oo loo samaynayo dad dhawr boqol ah oo ka kooban tahriibayaal Afrikaan ah, una badan Soomaali iyo Iriteeriyaan oo ku halligmey xeebaha jasiiradda Talyaaniga ee LampedusaUgu yaraan ilaa 300 oo qof oo Afrikaan ah ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen badda xeebaha Jasiiradda Lampedusa, waxase ilaa hadda medydadkoodii la hayaa oo la soo saaray in ka badan 130 qof, qaar kale oo badanna waa la la’yahay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay kula degtay meel u dhaw xeebta jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
lambadusaWaxaa nolol lagu badbaadiyay ilaa 150. Dadkaasi inkasta oo aan faahfaahin buuxda laga heyn, waxaa la sheegay inay u badan yihiin Eritrean iyo Soomaali.

Jasiiradda Lampedusa oo u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Tunisia waxay ka mid tahay marinnada ugu waaweyn ee tahriibayaashu ay ka soo galaan qaaraddani Yurubta Galbeed.

Badhasaabka jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaniga ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay laga soo saaray badda, ka dib markii ay halligantay dooni ay saarnaayeen ilaa 500 oo qof oo ah tahriibayaal Afrikaan ah. Waa markii labaad ee toddobaad gudihiisa ay dad Tahriibayaal ah ku dhintaan baddaasi.

Dadka halkaasi ku dhintay sida wararku ay sheegeen waxa ka mid ahaa dumar uur leh iyo caruur. Waxaana la aaminsan yahay in ay ka soo kicitameen Libya markii ugu dambeysay.

Ra’issalwasaaraha dalka Talyaanigu waxa uu ku tilmaamay shilkani mid aad u xun oo argagax leh, welina waxa socda baadhitaankii meydadka dadkaasi badda ku halligmey.

Markabka ay la socdeen dhawrkan boqol ee tahriibayaasha ahi waxa uu degey ka dib markii uu dab qabsaday, isaga oo maraya meel u dhaw xeebta Lampedusa, sida ay sheegeen dad goojoogayaal ah oo ka mid ah dadkii nolosha lagu soo badbaadiyey ee Markabkaasi saarnaa.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in qiyaasta tahriibayaasha ee ku dhintay badda Mediterranean-ka ee doonayey inay soo galaan dalalka Yurubta Galbeed ay guud ahaan ka badan yihiin labaatan kun oo qof, laga soo bilaabay sanadihii 1990-dii.

Lampadusa SDN.
Qurbejoog.com