Uncategorized

Afgooye oo ay ku Geeriyoodeen Afar Caruur ah oo Walaalo ah kadib markii Gaadhi ay Saarnaayeen Wadada kala baxay

Muqdisho 04.October 2013 (SDN)- Afar carruur oo walaalo ah ayaa dhimatay mid kalena wuu dhaawacmay kaddib markii maanta gaari waddada ka baxay uu ku jiiray waddada Ex.Control Afgooye ee Muqdisho.

Shil gaadhiCarruurta dhimatay iyo midka dhaawaca ah ayaa ku cayaaraysay banaanka xero ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ay ku noolaayeen, waxaana shilka sababay darawalkii gaariga dhibka gaystay oo lumiyay xakamaha.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in darawalka uu isku dayayay inuu ka badbaado isku-dhaca gaarigiisa iyo mid kale oo ay is-dhinac marayeen, balse uu mashaqo kale sababay.

Gaariga dhibka gaystay oo ah nooca dadwaynaha ayaa ka baxay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com