Washington Oct 05,2013(SDN)-Haweeney shalay ay toogteen ilaalada aqalka cad ee Mareykanka ayaa la shaaciyay in ay caashaq waali ah u qaaday madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama.
Mariam Carey oo 34 jir aheyd ayaa shalay boolisku toogteen ka dib kolkii ay isku dayday in ay gaarigeeda jiirsiiso difaaca hore ee aqalka cad.
Mariam ayaa waxa haatan soo shaac baxday in ay xanuun dhanka maskaxda ah qabtay isla markaana ay joojisay qaadashadii dawooyin dhakhtarkeedu u qoray.
Waxase taa ka sii yaab badnaa in Haweeneydani aaminsaneyd in iyada iyo Obaama jaceyl dhisayeen mudaba,sida uu sheegay aabaha ilmo yar oo ay dhashay.
Waxa ay haweeneydu saaxiibkeed u sheegtay in uu madaxweynuhu kolka uu TV-ga ka soo muuqdo uu iyada si gaara ula hadlo oo uu ula haasaawo.
Waana sababtaa ta ka kexeysay magaaladi ay ku nooleed ee conneticut uguna safarta Washington halkaa oo ay ciidamadu kolkii ay isku deyeen in ay joojiyaan ay ka baxsatay,ka dibna ay toogteen baacsi yar ka dib.
Qoyska Haweeneydan ayaa sheegay in aaney hooyadu xanuunsaneyn isla markaana aaney garaneyn waxa geeyay Washington.
Waxaa weli socda baaritaano dhinacyo badan oo arintan lagu sameynayo oo ilaa haatan aaney xog badani ka soo bixin.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
