Beijing Oct 05,2013(SDN)-Dawlada China ayaa haatan sawir guud ka bixisay sida ay u maamusho ee ay dusha ugala socoto dadka isticmaalada Internetka ee dalkaasi ku nool.
In ka badan 2 million oo ruux ayaa waxa ay dawladu sheegtay in ay dusha ka hagaan isticmaaleyaasha Internetka ee dalkaasi.
Dalka China ayaa sanadii 2010kii waxa laga hirgeliyay bog la yidhaahdo Sina Weibo oo ay 500 oo million oo ruuxi iska diiwaan gelisay.
Bogan ay dadku u isticmaalaan in ay ku qoraan aaraadooda ku wejahan dawladooda iyaga oo mararka qaar aad dawlaa u dhaleeceeya.
Xogaha loo arko in ay lidi ku yihiin dawlaa dalkaasi China ayaa bogan caanka ah laga saaraa markiiba.
Dawlada China ayaan labada million ee ruux ee ugu qaabilsan la socodka aan ugu yeerin ciidan balse sheegay in ay yihiin tafetireyaal.
Shaqaalahan ayaan inta badan loo ogoleyn in ay ehelkooda u sheegaan in halka ay u shaqo tagaan aroor walba.
Waxaana la aaminsan yahay in labada million ay qeyb ka yihiin ciidan faro badan oo Internet-ka China dusha kala socda.
Dawlada ayaa sidaas o ay tahayna haatan ku hawlan in ay qoroto ciidan hor leh oo loo tababrayo sidii ay ula socon isgaarsiinta dalka.
Hore loogama baran China in ay xogaha noocan oo kale ah ay iskeed u soo bandhigto.
SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com
