Adis Ababa:5-Oct-2013(SDN)-Ciidamada Ethiopia ayaa ayaa jawaab ka bixiyey Hadal hore uga soo yeedhay ururka Al shabaab, kaas oo ahaa inay ciidankeeda kala baxdo soomaaliya haddii kale ay la kulmi doonto wixii dhawaan ay kenya ka sameeyeen oo kale.
Ra’iisal wasaaraha dalkas Ethiopia ayaa xaqiijiyey inaanay ciidankiisu wax cabsi ah ka qabin tallaabadii al shabaab dhawaan ka qaadday Kenya, waxana uu sheegay inay haystaan kalsooni la xidhiidha inay gacanta ku hayaan Amnigooda.
“Ma jirto sabab aan ciidamadeena kala baxno dalka Soomaaliya waqti xaadirkan, waana la dagaalami doonaa Al-shabaab,” sidaasi waxaa wariyaasha Addis Abbaba ugu sheegay ariam Deslaegn ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerar 21-kii bishii hore ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan goob laga dukaamayso, iyadoo ay ku dhinteen 67 ruux oo ajaaniib ay ku jireen.
Hailemariam wuxuu sheegay in hanjabaadaha Alshabaab ee gobolka ay ku dhalinayso Ethiopia taageero ay siiso midowga Africa iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.
“Ciidamadeena amaanka ayaa sii wadi doona taageerada ay siinayaan AMISOM iyo ciidamada difaaca qaranka Somalia waxayna sii joogi doonaan Somalia ilaa aan ka hubinayso in Alshabaab aysan u hanjabin gobolka”ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Ethiopia.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaanan cadeynin tirada ciidamada kaga sugan Somalia, laakiin wuxuu sheegay in tirada ciidamada ay yihiin kuwo ku filan, sida uu hadalka u dhigay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
