Baraawe:5-Oct-2013(SDN)-Waxa Habeenkii xalay saqdii dhexe ciidamo aan la aqoonsanini la Beegsadeen Aqal loo malaynayo inay Deggenaayeen Saraakiil Al shabaab ka tirsani.
Wararka ka imanaya Magaalada Baraawe, ayaa sheegaya inay raggii aqalkaas ku sugnaa oo lagu soo weeraray Diyaarado iyo madaafiic badani si xoog leh iskaga difaaceen weerarkaas, waxana muuqata inaan kooxdii weerarka soo qaadday oo ciidamo shisheeye ahaa aanay ku guulaysan u jeeddadoodii.
Dadka ku sugan magaalada Baraawe ayaa sheegaya in ciidankan aan la aqoonsanini ay Habeenkii xalay isku dayeen inay weeraraan Aqal ku yaalla Dhinaca xeebta ee Magaalada, waxana Halkaas weeraray ciidamo la malaynayo inay ka soo degeen xeebta, kuwaas oo si aad ah ula kulmay iska caabin, iyadoo la sheegayo inay ugu yaraan Hal qof ku dileen gurigii ay weerareen.
In kastoo aan warar faahfaahsani laga heynin weerarkaas, haddana waxa la sheegayaa in aqalkaas ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo Al shabaab ah, waxana ciidanka weerarkan fashilmay qaaday lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ajaanib ah oo halkaas si kedis ah ku tegay goor dambe oo Habeen ah.
Wixii warar ah ee weerarkaas ka soo kordha waanu idiin soo gudbin doonnaa.
S.D.N
