Uncategorized

Kastam Xuduuddeedka Lawyo-caddo Oo Cashuurtii Gaadiidka iyo Dal-ku-galka Gacmaha Ku Urursaday Iyo Cabashada Dirawallada

Lawyo-caddo:13-2013(SDN)-Khilaaf hab sami u socodkii shaqada xannibay ayaa  shalay ka dhex abuurmay labada xafiis ee Waaxda socdaalka ee Magaalo-xuduudeeda Lawyo-caddo iyo Kastamka Cashuuraha ee magaaladaasi, kadib markii xafiiskaasi ay ka go’een buuggaagta cashuur qabashada (receipts), Takaaliifta, iyo dal ku galka (Vissa) ee wasaaradda Maalliyadda.

 

lawgaKhilaafkan ayaa la sheegay inuu sababay in gabi ahaanba shaqadii ka socotay kastamku ay  hakad gasho galinkii hore ee shalay, halkaas oo ay ku cadilmeen baabuurta iskaga kala goosha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, isla markaana ka cashuuran labada dawladood.

Gaadiidkan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo baabuurta yar-yar ee rakaabku raaco  (Land-cruiser) ayaa ku cadilmay halkaasi, kadib markii Xafiiska Waaxda socdaalka ee Degmada Lawyo cado uu hor istaagay soo jeedin madaxda kastamku ku fasaxeen qaab Xeer jajab ah, kaas oo ahaa in la diiwaan galiyo tirada dadka iyo gaadiidka, lacagta cashuurtana laga qaado sidaana ay uga gudbaan Xadka, iyadoo lagu war galiyay in marka ay soo noqdaan loo jari doono buugaagta cashuurta.

 

Degelka Wararka ee Qurbejoog.com oo arrintan u kuur-gashay, ayaa ka war heshay khilaafkaas oo ku koobnaa Masuuliyiinta heer Degmo ee kastamka Cashuuraha  iyo waaxda Socdaalka. Warku wuxuu intaa ku darayaa in  in ka badan 30 baabuur oo Land cruiser ahaa iyo laba iyo toban gaadhi oo ah kuwa xamuulka aha oo isaga kala gudbayay magaalooyinka Boorama, Hargeysa, iyo Caasimada Jabuuti ay ku xanibnaayeen galinkii hore ee shalay.

 

Qaar kamida wadayaasha gaadiidkii ku xanibmay shalay kastamka Lawyo caddo oo Xalay Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com khadka telefoonka kula xidhiidhay iyagoo jooga Lawyo cado, ayaa ka warramay sida ay wax u dheceen “Saaka (shalay) ayaan isa soo taagay kastamka lawyo caddo anigoo sidda rakaabkii, dabadeedna dhib-baanu kala kulanay, markaanu galnay xafiiska kastamka oo la nooga goyn jiray waraaqaha la isaga gudbo labada dal (gate pass) ayaa waxaanu la kulanay kastamkii oo ay ka dhammaadeen buugaagtii cashuur qabashada waxaanay noo sheegeen mas’uuliyiinta xafiisku in buugaagta laga dooni doono xarunta Gobolka Selel ee Saylac oo 30km u jirta Lawyo caddo halkaas oo ay isku soo gaadheen gaadiid tiradoodu ku dhaw dahay kontomeeyo oo isugu jiray yar-yar iyo waaweyn, waxaana halkaas kadhacay khilaaf u dhexeeya kastamka iyo waaxda socdaalka oo isku khilaafay, markii qolada kastamku ay nagu war galiyeen inaanu bixino lacagta cashuurta iyo dal ku galka oo aan juwan lahayn oo soo noqodkayaga dambe naloo goyn doono juwanada cashuurta iyo dalku galka.” Sidaas ayuu yidhi mid kamid ah wadayaasha gaadiidkii ku xanib may shalay kastamka Lawyo cado.

Waxa kale oo uu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata”tallaabadaas mas’uuliyiinta kastamku nagu sii daayeen, ayaa waxa ka hor yimid xafiiska socdaalka oo diiday qaabka lanoo sii daayey, oo xafiiska socdaalku ku tilmaamay mid sharci darro ah oo musuq maasuq keenaysa, arrintaas khilaafka ahina waxay dhalisay, inaanu ku xanibnaano kastamka galinkii hore ee shalay oo dhan, inkastoo markii dambe aanu ku galnay dalka Jabuuti angoon sidan waraaqihii cashuurqaadista iyo dal ku galka” sidaa waxa yidhi mid kale oo kamid ahaa wadayaasha gaadiidkii shalay ku xanibmay kastamka Lawyo cado.

Wadayaasha gaadiidka ku xanibmay kastamka ayaa ka cawday hawl wadeenada kastamka Lawyo cado,oo ay ku tilmaameen mid ay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay hawl socod siinta kastamka oo inta badan gaabis ah, iyo tacadiyo kale.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com