Uncategorized

Madaxtooyada Somaliland Oo Ururinta Qaadhaanka Waddada Ceerigaabo U Adeegsaaysa Wariyayaal Caanka ah Soomaalida Dhexdeeda

Hargaysa:13-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland Oo Dhawaan  si hawtul-hamagnimo ah  u dhagax dhigtay waddada ugu dhibaatada badan somaliland ee isku xidha ceerigaabo iyo Burco ayaa haatan ku mashquulsan sidii ay u baadi dooni lahayd kharashkii ku bixi lahaa waddadaas ay dhismaheeda madaxa u ridatay.

cawkeMadaxtooyada ayaa markii ay dhinacyo badan wax ka eegtay islamarkaana ka warwarsan fulinta waddadaas tafta dheer ay dhagax iska dhigeen, ayaa haatan isku qancisay inay Helitaanka kharshka waddada iyo lacagta ku baxaysa  u adeegsato shakhsiyaad caan ah oo iyaga laftooda waxooga dufan ah laga siin doono wixii lacag la helo.

Xubnaha Weftigan, wasiirrada ka sokow waxa kale oo iyaguna xubno ka ah Weriyayaasha ruug caddaaga ah ee Axmed Xasan Cawke iyo Cabdisalaam Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefishanka UNIVERSAL, kuwaas oo la sheegay in Weftiga ay u raaceen xoojinta ololaha qaadhaanka loogu gurayo dhismaha waddadaas.

Wariyayaashan caanka ah oo ka yimi dalka dibaddiisa, ayaa iyagu ku qancay inay Bulshada  sumcadda ay ku leeyihiin ugaga faa’iidaystaan dhismaha waddada, waxana ay haatan shaqadaas ka bilaabeen Magaalada Ceeigaabo oo ah meesha la doonayo inay waddadani ka dhisanto.

Weriye Cabdisalaam Hereri iyo Weriye Axmed Xasan Cawke oo si weyn looga yaqaan saaxadda Saxaafadda Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaanba bulshada afka soomaaliga ku hadasha deegaamadooda ayaa nuxurka ay weftigu u  kaxaysteen laga dhadhansan karaa inay xukuumaddu u adeegsanayso ka midho dhalinta  qaadhaanka ay ururinayaan, oo ay Hubaan inay laf dhuun gashay ku tahay dhamaystirkeedu.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com