Muqdisho:13-Oct-2013(SDN)-Wararka ka imanaya Magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in Habeenkii xalay Degmada Yaaqshiid lagu dilay saddex dhallinyaro ah oo halkaasi ku sugnaa, waxana dilkaas geystay Kooxo Hubaysan oo aan haytooda la aqoonsan.
Dhalinyarada ay dileen kooxaha hubeysani ayaa la sheegay in goobta ay ku caweynayeen, waxana la sheegayaa ina dhallinyaradaasi ay ahaayeen shaqaale aan waxba galabsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ay dhalinyarada ugu tageen goob dawaar ah kadibna ay ku dileen, ayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka geysteen iyagoo aan cidina qabanin.
Intaasi kadib waxaa goobta soo gaadhay oo meydka dhalinyarada ka qaaday ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay arintaasi naxdinta leh ee dhacday.
Dhacdooyinka dilalka ah ayaa beryihii dambe ku yaraa magaalada Muqdisho, lamana arag beryahaa tiro intaas le’eg oo meel lagu dilay, waxana ay tani caddaynaysaa in ammaanku wali ku jiro halis badan.
S.D.N
