Uncategorized

Haweenka Punt land oo Walaac ka Muujiyay inay ka Mid noqdaan Baarlamanka Punt land

Garowe 13.October 2013 (SDN)- Haweenka Puntland ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,taasoo keentay in si wayn looga hadal hayo deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Marwo Saynab Ugaas Yaasiin oo waraysi gaar ah siisay Radio Garowe ayaa sheegtay inaysan wax rajo ah ka qabin in haweenka ay ka mid noqdaan Barlamanka ,waxayna arintaasi sabab uga dhigtay in dadka Soomaaliyeed ay wali ku dhaqmayaan nidaamka qabiilka,ayna taasi hoos u dhigayso firfircoonidii haweenka ee dhanka Siyaasadda.

Saynab ayaa hoosta ka xariiqday inay xili kasta xooga saaraan sidii ay haweenka Puntland u heli lahaayeen xaquuqda iyo doorka ay ku lee yihiin siyaasadda,waxayna raacisay kolkii la dhiisay Puntland 1998 inay kusoo galeen Siyaasada Gobal ahaan iyo in haweenka ay doorkooda ka dhex helaan arrimaha socda.balse waxay tilmaamtay in mudooyinkii ugu danbeeyay ay fursada kasii baxayeen boosaskii ay sida sharciga ah dowlada ugu lahaayeen.

Haweenka Reer Puntland ayay ugu baaqday Saynab Ugaas inaysan waxba ka niyad jabin in loo diido xilalkii ay baarlamaanka iyo xukumada ku lahaayeen,waxayna sheegtay inay sii labo laabaan dadaalka ay xili kasta umadadooda u muujiyaan,taasoo lagu gaari karo isbadal deg deg ah.

Odayaasha dhaqan iyo masuuliyiinta ayay ugu baaqday Saynab Ugaas Yaasiin inay wax ka badalaan caburinta lagu hayo haweenka,waxayna tilmaamtay haddii Haweenka la siiyo fursadooda ay kasoo bixi karaan isla markaasina ay meel wanaagsan ka muuqan karaan.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com