Uncategorized

Madaxweynaha Geelaha Jabuuti oo Sheegay inaanay Werwer ku hayn Kooxda Alshabaab

Jabuuti 17.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle  ayaa sheegay in ciidamada ka socdo dalkiisa ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa iyo inta laga helayo xasillooni buuxda.

ismaaciil cumar geeleGeelle oo shacabka dalkiisa kula hadlayey xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada jabuuti oo lagu weyneynayey  munaasabadda Ciiddul Adxaa ayaa xusay in aysan u muuqan sabab hadda ciidanka Jabuuti ay Soomaaliya uga baxaan, iyadoo aan natiijo laga gaarin hadafkii ay markii hore u tageen oo uu ku tilmaamay in ay door ka qaataan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Wuxuu gaashaanka u daruuray in aysan Jabuuti cabsi gelin doonin hanjabaadaha ka soo yeerayo Al-Shabaab ee ku aaddan in dalalka ciidamada ay ka joogaan oo ay Jabuuti kamid tahay ay weerari doonaan.

Ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM ku jira ayaa xoogooda ka howlgalka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jabuuti SDN.

Qurbejoog.com