Uncategorized

Qaramada Midoobay oo dalbatay in la Kordhiyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Somalia

New York 17.October 2013 (SDN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidamada Midowga Afrika si looga hortago khatar argagixisanimo oo ka imaneyso kooxda Al-Shabaab, taasoo culeys saari karto guulaha ay dowladda Soomaaliya gaartay.

Ban Ki-moonWarqad uu u diray Mr. Ban, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayuu ku boorriyey xubnaha golaha in ay siiyaan howlgalka AMISOM taageero dhaqaale iyo mid militari oo ay ku jiraan helikobtarrada wax weerara, qalab iyo tasiilaad kale.

Wuxuu ka digay in ay jirto baahi deg-deg ah oo ku aaddan xoojinta ololaha militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in ammaanka sii xumaanayo uu keeni karo in uu wax u dhimo hannaanka jilicsan ee siyaasadda  Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM oo hadda gaarayo ilaa 18,000 ayaa wuxuu xoghayaha guud ee QM doonayaa in lagu kordhiyo 4,400 oo askari iyo howl-wadeenno taageero muddo laba sano ah.

Shir uu dhawaan Midowga Afrika ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale lagaga dhawaaqay muhimadda ay leedahay in la kordhiyo ciidanka AMISOM.

Weerarkii ay Al-Shabaab bishii hore ka geysatay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ayaa kor u qaadday halista ay kooxdu ku heyso gudaha Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

New York SDN.

Qurbejoog.com