Uncategorized

Al Shabaab iyo Ciidamada Dawlada oo uu Dagaal ku dhex marayo deegaano ka Tirsan Somalia

Muqdisho 17.October 2013 (SDN)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan qorshayaashii ugu dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay gobolladaas kaga sugan tahay.

ciidamada somaliaTaliyaha qeybta 60-aad  ee ciidamada xoogga dalka Gen. Ibraahin Yarow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii goobaha ay Shabaabku wali gacanta uga jira looga saari lahaa si buu yiri loo soo celiyo nabadda iyo kala dambeynta deegaanka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada saddexdaas gobol ku sugan ay qalabeysan yihiin, islamarkaana si wanaagsan loo soo tababaray.

Inkastoo magaalooyinka waa weyn ee koonfurta iyo bartamaha dalka lagala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab haddana wali waxan ka talisaa qeybo ballaaran oo gobollada koonfureed kamid ah.

Muqdisho SDN,

Qurbejoog.com