Uncategorized

Wasaarada Dibu Dejinta Somaliland oo ka Warantay Xaalada Nololeed ee Barakacayaasha dalka ku sugan

Hargaysa 21.October 213 (SDN) -Wasaaradda Dib u dejinta ee JSL ayaa maanta ka warbixisay xaaladda barakacayaasha dalka ku sugan iyo qaxootiga ka soo noqonaya iyo arimo kale oo ku sugan taageerada suurogalka ah ee la siin karo dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

Agaasimaha Guud ee dibu dejintaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda dib u dejinta Md Maxamuud Jibriil Yoonis  ayaa sheegay in wasaaraddu ka kooban tahay sadex waaxood oo kala ah waaxda maamulka, waaxda barakacayaasha ah iyo waaxda Qaxootiyada. Isla markaana ay wasaaradda hoos yimaadaan hay’adaha ay ka mid yahiin ka hortagga tahriibayaasha, xafiiska samafalka qaranka, iyo hay’adda xidhiidhinta WFP.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in wasaaraddu u xilsaaran tahay sida dalka loogu soo celin karo qaxootiyada reer Somaliland ee daafaha caalamka ku kala sugan , kuwaasoo ay wasaaraddu hubiso in dadkaasi ay yihiin dad iyagu doonaya inay dalkooda ku soo noqdaan isla markaana aan  dadkaa la saarin wax cadaadis ah oo lagu khasbayo in ay Somaliland ku soo noqdaan.

 

Md maxamuud Jibriil Yoonis waxa uu sheegay in wasaaradda oo gacan ka helaysa hay’adaha qaarkood ay waddo mashaariic hoy loogu samaynayo qaxootiga iyo barakacayaasha caasimadda ku sugan, isla markaana la gaadhsiinayo dabka laydh tiriiga iyo Biyaha saafiga ah ee la cabbi karo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com