Uncategorized

Xisbiga Kulmiye oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay in Khilaaf soo kala dhex galay Qabsoomida Shirwaynahooda {DHAGAYSO}

Hargaysa 21.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye mudane maxamed kaahin Axmed ayaa shir  jaraaid oo uu ku qabtay xarunta xisbiga kulmiye ee malaagada hargaysa  ku sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo xisbiga kulmiye dhex yaala islamrkaana  shirweynihii xisbigu qabsoomi doono dabayaaqada bisha diisanbar ee sanadkan.

Maxamed Kaahin AxmedGudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mudane maxamed kaahin axmed waxa uu shirkiisa jaraai d ku sheegay in xasbigu uu ku jiro diyaar garaw qaban qaabo maadaama uu soo dhawayay shirweynihii xisbiga kulmiye, islamrkaana  ay ku jiraan xisbi ahaan wada tashiyo iyo doodo ku saabasan xulida iyo iskudubaridka hawsha baaxadaa leh ee  xisbiga ku soo fool leh  .

Gudoomiye ku xigeenka koowaaad ee xisbiga kulmiye md. Maxamade kaahin Axmed waxa uu sheegay  in gogol xaadhka iyo lafo gurka hawsha ka dib ay maalmaha soo socda warbaahinta ka sheegi doonaan magacayada liiska gudida qaban qaabada shirka ee hawlasha shirweynaha xisbiga wadi doonta.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Gudoomiye ku Xigeenka Kulmiye
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Max’edKaahin29.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com