Garowe 21.October 2013 (SDN)- Magalada Garowe ayaa maanta laga sameeyay isku soo bax roob doon ah,kaas oo Alle looga codsanayay inuu abaarta iyo rob la’aanta dadkiisa ka dulqaado.
Waxaa ka qayb galay roobdoontaasi wasiiru dowlaha caafimaadka,wasiir ku xigeenka cadaalada,Taliyaha ciidanka nabad sugida,Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo dadwayne aad u faro badan oo ardeyda iskuuladu ku jireen.
Culimadda ayaa soo jeediyay khudbado dardaran iyo ducoyin u badan,waxayna dadkii kasoo qayb galay isku soo baxa roobdoonta ka codsadeen inay is cafiyaan si alle looga dulqaado roob la’aanta iyo khilaafka shacabka u dhaxeeya.
Wasiir ku xigeenka Cadaalada Cabdiqaadir Yuusuf ayaa sheegay inay muhiim tahay in ammaanka laga wada shaqeeyo oo alle xili kasta loogu xamdi noqo naxariistiisa.
Sanooyinkii lasoo dhaafay dalka Somalia waxaa ku yaraa roobka.balse deegaano ka tirsan Puntland ayaa la sheegayaa inay ka da’een roobkii dayrta kaasoo dadka iyo duunyadu ay ku diirsadeen.

Garowe SDN.
Qurbejoog.com
