Oslo Oct 22,2013(SDN)-Dawlada dalka Norway ayaa shaacisay baafin ay ku baadi goobeyso laba Gabdhood oo Soomaali ah oo dalkaa ka tagay si ay ugu biiraan kacdoonka dalka Syria.
Labadan Gabdhood oo dhawr iyo toban jiro ah ayaa baadigoobka Norway ee caalemiga ah lagu dheegay in ay aqalkooda oo ku yaal Oslo ka tageen si ay Islamiyiinta dalkaa ka dagaalama ugu biiraan.
Labadan Gabdhood oo da’ahoodu kala yihiin 16 iyo 19 jir ayaa fariin ay ka tageen waxa ay ku sheegeen in ay walaalahooda Muslimiinta Syria la wadaagi doonaan Farxada iyo Dhibaatadaba,sidoo kale Habluhu waxa ay sheegeen in dadka Muslimiinta ah ee reer Syria dhan walba laga soo weeraray.
Saraakiisha amaanka ee dalka Syria ayaa sheegay in aaney kala hubin in habluhu doonayaan in ay ka qeyb qaataan hawlaha aadanimo iyo in ay dagaalka ku biiri doonaan.
Warar la shaaciyay ayaa sheegaya in hablaha lagu arkay xadka dalka Turkigu la wadaago Syria,waxaaney doonayaan in ay halkaa Syria ka galaan.
Dawlada Norway ayaa sheegtay in ay ku dedaaleyso sidii ay labada Gabdhood dib ugu celin laheyd qoyskooda,ka dib kolkii qoysku sidaa ka dalbaday.
Dawlada Norway ayaa dhawaan shaacisay in ilaa 40 ruux oo ka mida Muwaadiniinta dalkaasi ay haatan ka dagaalamayaan dalka Syria.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com
