Paris Oct 22,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa caro weyn ka miijiyay in hay’ada sirdoonka ee NSA ee dalka Mareykanku ay dhegeysatay isla markaana ay duubtay telephonada muwaadiniinta dalka Farance.
Xogtan ayaa soo shaac baxaday ka dib kolkii Edward Snowden oo ka mid ahaa shaqaale ay qoratay NSA uu shaaciyay xogtan.
Xogtan oo ay shaacisay jariirada Le Monde ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa caro weyn ka abuurtay dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Farance Francois Hollande ayaa caradiisa u muujiyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo uu arinkan kala hadlay.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsdo sida ay NSA du u guddato waajibaadkeeda.
Sidoo kalena waxa uu sheegay in cabashada Faransiiska oo ay xulafo yihiin laga qanciyo walaacooda.
Hay’ada sirdoonka ee SNA ayaa ay soo shaacbaxday in ay si aan taxadar laheyn ay u basaastay muwaadiniin Mareykan ah iyo qaar kale oo ku nool dalalka ay Mareykanku xulafada dhaw yihiin.
SDN-Paris
contact@somalidiasporanews.com
