Hargeysa:22-Oct-2013(SDN)- waxa maalinba maalina ka dambaysa sii xumaanaya amniga magaalada Hargeysa, iyadoo dilalka iy is rasaasayntu soo kordhayaan, waxana warwarka dhinaca amniga ahi ku sii badanayaa dadka shacabka ee hore ugu noolaa jawiga farxadda iyo nabadda leh.
Ciidanka Booliska ayaa iyagu guud ahaanba ka seexday ilaalinta ammaanka, waxana ay ka caajiseen inay ku foognaadaan hawlihii ay qaranka u hayeen, iyadoo dil cusub oo aan hore caasimadda uga dhici jirine ay si isdaba joog ah uga dhacayaan magaalada Hargeysa oo ah meelaha ugu amniga wanaagsan Somaliland.
Dilalkaa intii muddo ahaydba ka dhacayey magaalada Hargeysa ayaa u badnaa qaar aan ciddii fulisay loo qabanin, waxana inta badan ciidanka ammaanku shacabka u sheegaa inay kaliya ku daba jiraan dadkii geystay oo ay soo qaban doonaan.
Rasaasayntii loo geystay Habeenkii xalay Xlldhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Somaliland ee laga soo Doorto Gobolka Saaxil, ayaa dad badani ku sii ridday shaki iyo kalsooni darro dhinaca ammaanka ah, waxana haatan ay muuqataa in dadka fadqalalada wadaa ay madaxdii qaranka u soo jeesteen.
Ciidanka ammaanka ayaan iyagu wali ka hadlin isku daygan dil ee habeenkii xalay magaalada Hargeysa loogu geystay xildhibaan Qabille, waxana aamusnaantoodu sii abuuraysaa shaki badan oo ku imanaya dadka shacabka ah ee nabadgelyda jecel.
Haddii aan ciidanka ammaanku wax ka qabanin nabad-gelyo darrada ka soo cusboonaatay magaalada hargeysa, waxa dhici karta inay dadka dhibaatada jeceli ku soo bataan caasimadda, islamarkaana ay gabbood ka dhigtaan oo ka fuliyaan Hawlo ka waaweyn kuwan haatan caadimadda ka dhacaya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
