Uncategorized

Haweeney isku qarxisay Bus dalka Ruushka iyo cabsi soo wejahday ciyaarihii Olympiga ee Sochi

Volgogard Oct 22,20139SDN)-Haweeney isku qarxisay mid ka mida gawaarida dadweynaha ee magaalada Volgogard ayaa waxa ku dhintay lix ruux halka sodon kalena ay ku dhaawacmeen.

Haweeneydan is-qarxisay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedo degaanka dalka Ruusha ee Woqooyiga Caucasus oo dagaal gooni isu taaga uu ka socday sanado badan.

Ilaa iminka cidina ma aaney sheegan weerarkan dhacay shalay gelinkii danbe,waxaase uu cabsi ku dhaliyay qaban qaabiyeyaasha ciyaaraha Olympiga ee dalkaasi uu marti gelinayo.

Dagaalyahano Islamiyiin ah oo ka dagaalama Woqooyiga Caucasus ayaa dhawaan shaaciyay in ay shicibka iyo ciyaarahaba bar tilmaansan doonaan.

Ma cada sida dhacdadani ay u saameyn doonto ka qeyb galaka ciyaaraha iyo in ay dagaalyahanadu ka dhabayen doonaan caga jugleynta.

Ciyaaraha Olympiga ee Sochi ka dhacaya ayaa lagu wadaa in ay furmaan bisha February ee sanadka in soo haya.

SDN-Volgogard
contact@somalidiasporanews.com