Uncategorized

Wasiir Xaglo-toosiye Oo Tahli waayey Inuu u Hoydo Magaalada Lascanod, Saacado Gudahoodna Kaga Soo Carraabay iyo Su’aalaha Ku Gedaaman

Hargeysa:22-Oct-2013(SDN)- wasiir Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye)  oo xilka wasiirnimo ku helay Xal u hellida Deegaamada Bariga Somaliland awgeed, islamarkaana laga sugayey inuu keeno bulshada reer somaliland ee haatan ka maqan xukunka iyo maamulkaba, ayaa ku kacay arrin dad badani ka biyo diideen oo aan laga filaynin.

xagashaWasiir xaglo-toosiye oo tan iyo markii xilka loo magacaabay  aan gaadhin Deegaanka uu ka soo jeedo ee Buuhoodle, ayaa maalintii Axaddii toddobaadkan socdaal  ku tegay Gobolka Sool Magaalo-madaxdiisa Laascaanood oo uu wasiir ahaan ka soo jeedo.

Wasiirka oo halkaas hawlo shaqo u tegay, ayaan haba yaraateen u hoyanin magaalada Habeenkii, waxana uu joogay muddo saacado yar ah, isagoo si lama filaan ahna uga soo kolanyeystay isla saacado yar dabadeedba, waxana ay taasi ka yaabisay dad badan oo reer Somaliland ah.

Wasiir saleebaan ayaa markii uu Lascanod tegay xadhiga ka jaray dhawr mashruuc oo halkaas laga hirgeliyey, waxana uu sidoo kale dhagax dhigay kuwo kale oo haatan la bilaabayo, intaas ka dibna waxa uu dib u soo qaaday dariiqii uu sii maray oo aan raadkiisii ka qallalin wali.

Shacabka reer laascaanood  iyo maamulkooda, ayaa iyagu ka yaabay sababta keentay in wasiirku sidaas uga deddego gobolka uu ka soo jeedo, waxana ay arrintaas ku macneeyeen kalsooni darro wasiirka ka haysata magaalada iyo shaki uu ka qabo ammaankeeda oo aanu ku kalsoonayn.

Wasiir xaglo-toosiye ayaa saacado dabadeedba soo galay magaalada Burco, waxana uu seexday mid ka mid ah Huteellada magaalada ugu waaweyn oo uu maalintii dambe ka soo toosay, waxana dhaqankan wasiirku muujinaysaa inaanu lahayn wax karti ah oo ku  soo qanciyo shacabka wax tirsanaya eek u soo jeedo, kuwaas in badan Somaliland ka maqnaa.

Wasiirka oo isagu muddo hoggaamin jirey ururkii Somaliland la daggaalami jirey ee SSC, ayaa markii xilkan loo dhiibayey looga gol lahaa inuu muddo yar ku soo xero  geliyo dadka maqan iyo madaxdoodaba, balse wali hal qof kuma uu soo qancin inuu dalkiisa hooyo yimaaddo oo uu ka baxo dhibaatada iyo dagaalka aan faa’iidada lahayn.

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com