Hargeysa:22-Oct-2013(SDN)-Kulan kale oo saacado qaatay ayaa habeenkii xalay qasriga madaxtooyada ku dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxana lagu lafoguray muranka sii xoogaysanaya ee soo kala dhex galay xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Shirkan xalay dhacay oo ay labada oday Albaabada isku xidheen ayaa wararka hoose ee ka soo baxayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiye Muuse uu madaxweynaha u Gudbiyey cabasho kaga uu ka sheeganayo xubno wasiirro ah oo ka soo horjeeda koox ka tirsan urraddii hadhay oo xisbiga ku soo biiray Guddidiida Fulinta, taas oo madaxweynuhuna kaga fal celiyey inuu wax ka qaban doono si meesha looga saaro is qabqabsiga xisbiga ku soo kallahay iyadoon shirba la isla gaadhin.
Sidoo kale wararka soo gaadhaya shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in inta badan Golaha wasiirrada ka soo horjeedaan in ragga ka socda Urruradii hadhay ee Dalsan iyo Rays si fudud loogu daro Guddida fulinta ee Xisbiga iyo Guddooiye Muuse uu isagu markii horeba raggan ku soo kaxaystay inuu Guddida Fulinra saami fiican ka siin doono.
Wasiirrada aqoodda badan ku leh xisbiga Dhexdiisa oo uu ugu horreeyo Cabdi aw Daahir, ayaan iyagu raalli ka ahayn in Guddida fulinta oo ah mishiinka xisbiga dhaqaajinaya ay hantiyaan rag aan xisbiga dhibaato badan u soo marini, waxana uu ku adkaysanayaa in talo lagu siiyo wixii kooxdaas dhawaan soo galka ah la siinayo.
Sida ay sheegayaan wararku madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu muuse dhegta ugu riday inuu heegan ugu jiro sidii uu meesha uga saari lahaa khilaafka xisbiga, maadaama uu haatan madaxweynuhu Hunguri ka qabo inuu mar kale Caynkaanka waddanka isu soo taago.
Guddoomiye Muuse oo aan la garanayn sida uu u ogaal doono inuu Shan sano oo kale u sii dulqaato inuu ka maqnaado musharaxnimada xisbiga iyo madaxweynenimada dalka, ayaa isagu orod ugu jira sidii uu u heli lahaa Guddi fulineed oo dhammaanteed taageerta, waxana uu u guntan yahay sidii uu midaas u samayn lahaa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
