Uncategorized

Haween ku nool Sucuudiga oo markii u horeeysay Kaxeeyay Gawaari

Riyaad Oct 27,2013(SDN)-Qaar ka mida haweenka dalka Sucuudiga oo beryahan danbe u ololeynayay in ay gawaarida ka xeeyaan ayaa shalay si badheedha ah u jebiyay sharci dumarka ka hor joogsada in ay wadeyaal ka noqdaan gawaarida.

tilaabadan ay haweenku qaadeen ay ku soo beegan maalin Dumarka dalkaasi ay hore u shaaciyeen in ay gawaarida kaxeyntooda bilaabi doonaan.

Haweenkan oo gawaarida qaar kood kexeeyay iyada oo aaney la socon rag ay qaraabo yihiin oo qudheedu ah sherci jebin ayaanay ciidamada Boolisku arag.

Ururo Haweenka ah oo u ololeynayay in Haweenka Sucuudiga ku nooli ay gawaarida kaxeeyaan ayaa ku sheegay tirada haweenka gawaarida kaxeeyay ilaa 60 qof.

Wadaada Wahaabiyiinta ah ee dalka Sucuudiga oo awood baaxad leh ku leh dawlada ayaa dhankooda si weyn u diidan in Haweenku gawaarida kaxeeyaan.

Wadaadu waxa ay ku andacoonayaan in Haweenka oo gawaarida kaxeeyaahi ay burbur ku keeneyso dhaqamada iyo diinta bulshada Suucuudiga.

Ciidamada amaanka ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay in cidii ka hortimaada shuruucda dalka sharcigu aanu u turi doonin.

Ma jiro sharci dalkaasi ku dhaqmo oo diidaya in haweenku gawaarida wada,keliya waxaan dumar la siin in ogolaanshaha wadida gawaarida.

SDN-Riyadh
contact@somalidiasporanews.com