Uncategorized

Boko Xaraamta Nigeria oo la sheegay in ay ajaanib ka barbar dagaalanto

Lagos Oct 27,2013(SDN)-Ciidamada dalka Nigeria oo gacanta ku dhigay dhawaan nin ka mid ah kooxda Boko Xaraam ee ka dagaalanta dalkaasi ayaa sheegay in ay dagaal yahano ajaanib ahi ka bar bar dagaalamaan.

Kooxda Boko Xaraam oo ah mid Islami ah ayaa dooneysa dalka ugu shidaal soo saarida badan oo ay ku nool yihiin 160 million oo ruux oo ka kooban Muslim iyo Masiixi isku tiro ah lagu dhaqo shreecada Islamka.

Ninkan dagaal yahanka ah oo saxaafada loo soo bandhigay ayaa sheegay in Boko Xaraam ay ka mid yihiin dagaal yahano ka soo kala jeeda dalalka Chad,Niger iyo Cameroon.

Kooxda Boko Xaraam ayaa sanado ya ka hor ku dagaalami jirtay midiyo,haatana waxa ay ku hawlgalaan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo gawaari gaashaaman.

Boko Xaaraam ayaa ah khatarta ugu weyn ee haatan heysta dalka Nigeria isku heyntiisa iyo wada jirka bulshadiisa.

Sidoo kale waxaana dalkaasi ka socda dagaalo ahli ah oo u dhexeeya qabaailka iyo degaanada kala duwan ee dalkaas.

SDN-Lagos
contact@somalidiasporanews.com