Uncategorized

“Xisbiga Kulmiye hadaynu nahay waa inaynu Xisbinimadeena dhawrnaa,ilaalinaana Shuruucda dalka” {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.October 2013 (SDN) Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Sheegay in Xisbiga Kulmiye uu noqdo Mid astaan u noqda Xisbiyada dalka ka jira maadaama uu yahay ka haya Hogaaminta qaranka isla markaanaa looga baahan yahay inuu Shuruucda Wadanka ilaaliyo.

Mudane C.raxmaan Saylici waxa uu Xusay in Xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan Qabashada Shirweynahoodii Sadexaad waxaanu  hadalkan ka jeediyay Madal lagu Kulansiiyay Hogaanka Xisbiga,Xukuumada,iyo Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Xisbul Xaakimka Kulmiye .

Guji Kobtan oo ka dhagayso Mobilkaaga hadalka Madaxweyne Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SayliciKulmiye27.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com