Boorame:28-Oct-2013(SDN)- Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Aadan Axmed Muuse (Xero-dhiig) ayaa shalay booqasho ku tegey Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxana uu markii uu Boorama soo gaadhay kormeero ku sameeyay xarumaha Booliska, jeelka dhexe iyo Maxkamadaha gobolka iyo degmada, waxana ku wehelinayay safarkiisan masuuliyiinta garsoorka iyo talisyada ciidanka asluubta iyo Booliska ee gobolka.
Aadan-Xero-dhiig, Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa ka warramay ujeeddada safarkiisa, waxana uu yidhi “Waxa aan u socdaa inaan soo arko xaaladda jeelasha iyo maxaabiista ee gobolka Awdal, waxa aan si gaar ah u soo marayaa jeelka dhexe, waxa aan u kuur gali doonaa siyaabaha ay maxaabiistu u xidhan tahay, waxana aan la kulmi doonaa madaxda booliska iyo bahda garsoorka waxana aan kala arinsan doonaa sidii shaqada cadaalada iyo garsoorka loo dadajin lahaa loogana dhigi lahaa mid turxaan baxsan”.
Xeer ilaaliye ku xigeenka guud waxa uu soo maray jeelka dhexe, waxana uu warbixin ka dhagaysatay taliyaha xabsiga dhexe ee Boorama Siciid Caynaan waxana uu yidhi “Waad u jeedaa jeelka waxa dhib xoogan ku haya dhul gariir dildilaac badan u gaystay darbiyadii jeelka, waxa suura gal ah inaan jeelka lagu sii jiri karin mudo hadii aanan gacanta lagu hayn oo aanan la dayac tiring, waxa kale oo noogu daran dawada maxaabiistu u baahan yahay, gudaha jeelku ma wayna, maxaabiista ku xidhana way badan tahay, taasina waa caqabad kale oo haysata jeelkan loona baahan yahay in xal loo helo”.
Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranku waxa uu la kulamay bahda garsoorka waxana uu u sheegay waxii uu soo arkay isaga oo si gaar ah uga shanqadhiyay xaalada maxaabiista ku xidhan jeelka waxana uu yidhi “Jeelka waan soo arkay oo aad ayuu u yar yahay, waxana ku jira 221 maxbuus oo siyaabo kala duduwan loo soo xidh-xidhay, waxase yaab leh, 100 maxbuus oo ka mid ahi waa gar sugayaal, waxana ay u badan yihiin kiisaskaasi kuwo u yaala maxkamada gobolka, waxana aan ka codsanayaa inay dadajiyaan hawlahaasi si loo sugo cadaalada iyo garsoorka”.
Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka ee gobolka Awdal Mudane Axmed Cabdilaahi Qaadi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ugu badan ee dhibtu naga haysataa waa gaadiid la’aan, bahda garsoorka oo isku dhan ma haysataan baabuur ay ku qaadaan maxaabiista oo qaybsanta, hadii magaalada uu ka jiro hawlgal ciidan ma furmi karto maxkamadu sababta oo ah waa baabuur la’aan, sidaasi aawadeed caqabadaas waa mida sababtay in dad badan oo garsoor sugeyaal ahi ay isku ururaan ee waxaan idinka codsanaynaa inaad wax ka qabataan”.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
