Hargeysa:28-Oct-2013(SDN)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan (Shaadh) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa qaab caadifadaysan uga hadlay shir qaran oo ay ku baaqeen Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku, kaas oo uu ku tilmaamay mid xaaraan ah.
Xil. Shaadh oo u warramay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay sharcigu inaanu ogolayn in xisbiyada mucaaridka ahi ay qabtaan shir qaran, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xisbiyada mucaaradka ah yaa u igmaday Sharcigu ma ogola in xisbiyada mucaaridka ahi ay qabtaan shir qaran.” “Nimankaasi aad bay ugu gafeen madaxwaynaha iyo qarankaba, waana madaxwaynahoodii raga qaar baa mujaahidiin la ahaa wakhtigii halganka lagu jiray.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh waxa uu ka hadlay hawlaha waxqabad ee dalka ka socda waxaanu yidhi, “Maanta dalkeena waxa ka socda waxqabad, lacagtii baa laga bedeley Ceerigaabo iyo Laascaanood, waxa la siiyay ciidamadii derajooyin.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh waxa uu sheegay in nimankaasi yihiin qaar ka ambaday taladii dalka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Anigu waxaan u haystaa in ay taladii dalka ka ambadeen. Dalkana waa laga xoraynayaa ninkasta oo xumaan dalka galiya oo fad qalalo ka abuura. Madaxweynuhuna dalka lexejeclo ayuu ka qabaa.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in ay in badan isku dayeen in ay mujaahidiintaas kala hadlaan sidii ay arrintaas uga tanaasuli lahaayeen, balse ay diideen.“In aanu u yeedhno baanu damacnay boqol jeer baanu u yeedhnay oo way na diideen anaguna u maanaan tagin.” Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay kala garan waayeen odayaashan madasha iyo xisbiyada mucaaridka ah, “Xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo nimankii madasha ayaa iskaga kaayo qaldamay sababtaas ayaanu ugu tagi waynay. Ma xisbi baanu u tagnaa mise madashaanu u tagnaa labadiiba way ka dhex muuqdeen. Markaa xisbina waanu u arki wanay wax kalena waanu u arki waynay.”Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh waxa uu shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay ilaashadaan wada jirkooda.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
