Boorama:8-Nov-2013 (SDN)- Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanka Garbadadar ee gobolka SALAL ayaa si kulul u cambaareeyay maamulka gobolka Salal gaar ahaan Badhasaab Mudane Cabdilaahi Qulujeed iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Salal Taliye Maxamed Faarax.
Waxgaradkan ayaa sheegay in masuuliyiintani ay ku fashilmeen gudashada waajibkooda iyo wax ka qabashada shaqaaqooyinka ka wadeen Deegaankaas.
Odayaashan dhaqanka ayaa sababeeyay waxa ay cambaarayntani salka ku hayso waxana ay yidhaaheen “Waxa aan uga dacwoonay maamulka gobolka iyo kan ciidanka Booliska laba nin oo hubaysnaa oo isku dayay dhawaan inay dil qorshaysan ku fuliyaan Maayarka degmada Garbadadar Cabdi Cabdilaahi Qalluunle, falkaasi foosha xun ee dhinaca amniga iyo nabada taabanaya ee aan ku wargalinay dhagaha ayay ka furaysteen oo waxa ay ku guul daraysteen inay wax ka qabtaan oo ay ragaas dambiilayaasha ah oo wali degaankii dhex jooga oo ku sugan kana shaqaysta beeraha Sh. Muxumed Raage wax talaabo ah ka qaadaan.” Ayuu yidhi Chief Caaqil Xuseen Cilmie Tolane (Xuseen Quule)
Chief Caaqilka oo Hadalkiisa Sii wata ayaa yidhi, “Maamulka gobolka Salal wax walba oo shaqaaqo ah oo ka dhacda degaanadan faraha ayay ka laabtaan oo ma garanayno cida ay ku halaynayaan, waxa hore u dhacday falal dhinaca amniga daaran, Maamulka Salalna waa ku guul daraystay arintaasi wax ka qabashadeeda oo wafdi Hargaysa ka yimid ayaa nabada u soo gurmaday, xaalka sidan ah ayay tani u dambaysay ee fal dambiyeedka ahina ku biirtay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumada dhexe u sheegaynaa inay arintan talaabo cad oo muuqata ka qaado, hadiise ay wax ka qaban waydo waxa aan sheegaynaa in dadka degaanku ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay dambiilayaasha ku ugaadhsanayaan, isla markaana nabada ugu adeegayaan, sharciga iyo kala dambayntana ku sugayaan”
Deegaanka Gobolka Salel ayaa tan iyo intii xukuumadda Kulmiye talada waddanka la wareegtay waxa ka soo baxaya qaylo-dhaan badan oo dhinaca amniga ah, waxana jira Utumo Beeleed oo dhex yaalla dadka deegaanka wada dega.
S.D.N
