Uncategorized

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Dhabarka Ka Jabiyey Qaddiyadda Goonni Isu Taagga, Wakiillona u Dirsaday Shir Xamar Loogu Qabanayo Soomaaliya

Hargeysa:8-Nov-2013(SDN)-Masuuliyiinta Caafimaadka Somaliland, ayaa dhabarka ka jabiyey Gooni-isu taagga iyo madax-bannaanida Somaliland ee  Nafta iyo Maalka tirada Badan loo Soo Huray.

markaMasuuliyiinta ayaa sida ay sheegayaan Ilo-wareedyo Lagu Kalsoonyahay oo aanu Helnay Magaalada Xamar ee Caasimadda Somaliya u dirtay Wakiillo u matala shir Qaran oo Xukuumadda Somaliya Gadh-wadeen ka tahay, kaas oo lagu Tilmaamay inay ka Soo qaybgaleen Dhammaanba Gobolladii Soomaaliya la Isku Odhan jirey oo Somaliland ku Jirto.

Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Shirar Qarsoodi ah oo ay yeesheen ku Go’aansaday inay  si Qarsoodi ah uga qaybgalaan shirkaas loo qabanayo Soomaaliya, waxana ay si hoose ugu direen Dhakhaatiir ka tirsan isla wasaaradda Caafimaadka, iyadoo ay wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada Somaliya   warbaahinta ka sheegtay in Agaasimayaal ka socda Somaliland ay shirka fadhiyaan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa iyadu inta badan lugaha kula jirta oo ku dhex Milan arrimaha Soomaaliweynta, waxana Hore Fadeexadi uga dhalatay kulan qarsoodi ah oo Hargeysa ku dhex maray Agaasime ka tirsan wasaaaradda Adeegga Bulshada somaliya iyo Wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen xoog,   waxana ilaa haatan socda isu socod iyo furfurnaan badan oo masuuliyiinta caafimaadku la leeyiyihiin Xukuumadda Xamar.

Inkastoo aanu jirin  liis ay ku qoran yihiin cidda ay rasmi ahaan wasaaradda caafimaadka Somaliland ugu dirsatay shirka Xamar ka socda, haddana waxa ay sheegayaan wararka aanu hayno oo lagu daray dhawaaqii ay warbaahinta ka sheegtay wasiirka Adeegga Bulshada  Somalia Maryam Qaasim in Saraakiil ka tirsan wasaaradu u dhuunteen shirkaas, taas oo  markhaati cad u ah inuu jiro xidhiidh qarsoodi ah oo wasaaradda Caafimaadku la leedahay  Dhiggeeda Somalia.

 

Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Somaliland sida wasiirka, wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa markii aanu warkan Helnay si Aad ah iskugu daynay inaanu wax weydiino, Balse waxa ay ka dhego adaygeen inay qabtaan Telefoonnadooda Gacanta, waxana ay taasi tusaale kale u tahay inay Telefoonka uga jawaabi la’yihiin shakiga ay ka qabaan Hadallada ka soo yeedhay Wasiirka Adeegga Bulshada Somalia oo Carrabka ku Ballaadhisay inay madax ka socota Somaliland shirka fadhiyaan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa Noqotay  Waddo laga soo Galo qaddiyadda Somaliland ee Dhiigga Ku Timid,  waxana sidoo kale jira Tuhunno kale oo la xidhiidha arrimaha Tallaalka oo Dawladda Muqdisho Sed-bursiimo weyn ka qaadato, halka ay Somaliland-na u tuurto faro guudkood iyo wax aan ku munaasib ahayn.

Arrimaha tallaalka ayaanay Haba yaraatee Masuuliyiinta wasaaraddu wax awood ah ku lahayn waxana ay Hay’ado dabadhilif u ah xukuumaddu Muqdisho u samaysteen wax ay ku magacaabeen “Pollio Officers” oo  jaangoynteeda iyo koontaroolkeedaba gacanta ku haya, islamarkaana lacagteedu ku soo dhacdo.

 

 

Shirkan  la sheegayo inay wasaaradda Caafimaadka Somaliland wakiillada Qarsoodiga ah u Dirsatay oo saddex maalmood soconaya ayaa looga arrinsanayaa midaynta arragtida xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliya, si caafimaadku uga qaybqaato dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, Xirfadlayaal caafimaad oo gaadhaya 270 qof iyo ergo ka timid gudaha iyo dibadda dalka oo Somaliland ku jirto, islamarkaana gaadhaysa 400 qof ayaa la filayaa in muddada saddexda maalmood ah ay ku soo saaraan talooyin ku aadan dib-u-habaynta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

 

Xukuumadda Somaliland oo aan la ogayn ogaalka ay  u  leedahay masuuliyiiintan Hoosta uga dusay shirka Muqdisho ka socda, ayaa looga Fadhiyaa inay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Tallaabo Habboon ka qaaddo si ay iskaga dudo eedda iyo Khaayinimada ay waddanka ku soo kordhiyeen, iyadoo Haddii taa la waayana loo qaadan karo in Xukuumaddu ay Raali ka tahay Tallaabooyinka Noocan oo kale ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com