Aarar:
Waxay guddida Guud ee Beesha Ciidagale u sheegeysa bulshada Somaliland inay aad ugu hanweynayd tiro koobka ay ku hawlantahay Wasaarada Qorsheynta Qaranka.Waxaannu filaynay inuu tirokoobkaasu wax-weyn soo kordhin doona xogaha qaran ee loogu baahanyahay qaran ee loogu baahanyahay badhitaaridda habsami u socodka dhaqaalaheena iyo xoojinta nidaamka Dimoqoradiga ah ee aynu qaadanay.
Waxa markiiba soo baxay degmoomiyin badan walaac laga muujinayo farsamo xumada barnaamijka habka loo maamulay oo ay ku jirto xolushada aan isku dheeli tirneyn ee ku saabsan goobo-tirokoobyada.walaacaasi oo bulshada degmooyin badan u muujiyeen mudaharaadyo salmi ah oo keenay iska horimaad ka dhacay bulshada gadooday iyo xoogaga amaanka oo keentay in dad badan xabsiga loo taxaabo oo ay ku jiraan xilidhibaano deegaan oo dadku soo doortay.
Guddidu iyagoo ka xun dhacdooyinkaa lama filaanka ah ayay cabashooyin kalana uga timid degmooyinka M/haybe M/mooge iyo Salaxley oo kala ahaa
b) In kooxaha tirokoobka ee loo kala diray degmooyimka Hargeysa aan lagu saleynin si isku-dheelitiran oo cadaalad ah iyodoo loo diray degmada M/haybe tiradii ugu yareyd oo ahayd 3 kooxood halka degmooyinka kale intooda badan look ala diray 5 kooxood.
In iyana Degmooyinka Salaxley iyo 33 tuulo ee hoosyimaada ay ka maqanyihiin liiska goobotireedyadda oo xita hal tuulana aan lagaga darin.
Markii aanu falanqaynay tabashooyinka nooga yimid labada degmo, ayaanu ku dhaqaaqnay xog-ururin xaqiiq raadin ah oo aannu ka bilaabney Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Nasiib darro, guddidu xaqiiq-raadinta ahayd kumay guuleysan inay la kulanto Wasiirka iyo Agaasimaha Guud .
Waxay markaas guddidu la kulantay sarakiil sare oo ka tirsan waaxda u xilsaaran fulinta barnaamijka tiro-koobka.
Waxay guddidu, iyadoo ka duuleysa, go’aamadii guddida guud ee beesha waydiisay saddex su’aalood oo farsamo ahaan la xidhiidha sida barnaamijka loo habeeyey oo kuu cadeyn karta xaqiiqada ku duugan barnaamijka oo kala ah:
1. Liiksa muunada tiro-koobka gobalada iyo degmooyinka dalka (sample Survey) maxaa lagu saleeyay?
b) Maxaa Wasaaradu soo qaadatey qaab dhismeedkii gobolada iyo degmooyinka ee cahdigii Maxamed Siyad Barre ee ahaa shan 5 gobal iyo 18 degmo ; mise
t) mise waxaad dhaqan galiseen tii cahdigii xukuumadii Cigaal ee aheyd 6 Gobal iyo 13 Degmo;mise
j) waxaad ku saleyseen qaab dhismeedkii Somaliland ee aynu ku galney doorashooyinkii Dawladaha Hoose (2013)
ee xeerku inooga yaalo ee ahaa 6 Gobal iyo 23 degmo ;
x) mise waxaad xulateen oo barnaamijku xambaarsanyahay qaab dhismeedkii ay dawladii Madaxweyne Riyaale ay samaysay wakhtigii kala guurka ahaaa ee ka horeeyay doorashadii madaxweynaha( 2010)
kana koobnaa 13 Gobal iyo 65 Gagmo.
Ta ku saabsan Degmada Hargeysa waxay guddidu waydiisay Wasaarada Qorsheynta su’aalaha soo socda.
1) Liiska muunada tirokoobka (simple Survey) maxaa iyana ku saleyseen.
b) maxa waxaad qaadateen 4 waxood ee xiligii dawladii Siyaad Barre, mise waxaad dhaqan galiseen 8 waxood ee golaha deegaanka caasimadu anasixiyey ee hadda lagu shaqeeyo kana turjumaysa xaalada dhabta ah ee jirta.
t) sideedaa laamaha goob-tireedyada degsiimooyinka loo xushay ee hada liiskiina ku qoran ee aan isku dheelitirneyn.
Maxaa se ku sababeyseen xulashada
x) Hadii liiska xulashadu aanay dheelitirneyn oo aanay si siman loo soo qaadin degmooyinka Hargeysa iyo laamaheeda miyaanay xog- ururinta ka soo bixi doonta aanay cadaalad daro keeneyn dhaawacna ku samaynayn natiijada xog-ururinta.
Kadib dood dheer oo kala dhex martay guddida xaqiiqo-raadinta iyo wasaarada Qorsheynta waxaa guddida guud ee beesha u soo baxay xogtan hoos ku qoran.
1) Wada tashi la’aan iyo wacyigalin la’aan awgeed ayaanay bulshada Somaliland ogeyn xaqiiqada mashruuca tiro-koobka
2) Sahankii ugu horeeyay ee qorsheeyay goob-tireedyada gobolada iyo degmooyinka oo khaldanaa taasoo Wasaaradu noo sheegi kari wayday sida ay u qeybisay waaxaha liiska ku qoran.
3) Habka xulashada gobalada iyo degmooyinka oo si siman aan loo qorsheyn taasoo keentay in qaar badan laga tagay
4) Tusaale ahaan degmada Hargeysa oo ka kooban 8 waaxood oo shaqeeya oo ay ansixiyeen golahii deegaanka ee hore ayaa 5 kamida wasaaradu qaadatay 3-na ka tagtay .
5) Barnaamijka tiro koobka ee ay iska kaashadeen Wasaarada Qorsheynta iyo Ha’yadda UNFPA ayaa cadaatay inaaney ka turjumeyn xaqiiqada dhabta ah iyo danaha Somaliland sababta oo ah in barnaamijkaas aan loo tolin danaha Somaliland .
Gabagabadii
Hadii aanu nahay Guddida Guud ee Beesha Ciidagale markii aan xaqiiqsanay asbaaba kor ku xusan oo dhan waxxaanu gudoonsaney in barnaamijka tiro-koobka hada socdaa aanu dadka iyo dalka Somaliland midna dan u aheyn .
Sidaas daraadeed,barnaamijka socda kuma qanacsanin wixii natiijo ah ee ka soo baxana nama khusayso.
Waxaan markaa kula talineynaa xukuumada Somaliland, iyadoo daneynaysa horumarka,nabadgelyada iyo xasiloonida bulshadeeda iney dib uga fiirsato fulina mashruuca.
Alla mahadleh.
Wabilaahi tawfiiq.
c/rashiid maxamed Jaambiir
guddoomiyaha Guud ee Beesha Ciidagale
