Muqdisho, Nov 08, 2013 (SDN) -Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu saarnaa nin naftii hure ahaa, ayaa wuxuu isku qarxiyay aafafka hore ee Hotel Maka Al-mukarama. Weerarkaan, ayaa wuxuu daba socdaa xilli galabta halkaasi lagu qabtay, nin watay Laptop uu doonaayay, in uu isku qarxiyO gudaha Hotelka, inkastoo uu fashilmay.
Weerarka 2-aad ee caawa lagu qaaday Hotelkaan, ayaa wuxuu sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, isla-markaana wuxuu dab qabsaday Dhismaha Hotelka. Ilaa imika inta la ogyahay waxa qaraxani sababay dhimashada afar askari iyo laba qof oo shiciba. Gees ka gees Magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay qaraxa xoogga badan ee lagu weeraray Hotel Maka Al-mukarama.
Hotel Maka Al-mukarama oo kamid ah Hoteelada ugu ammaanka wanaagsan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaan la ogeyn ujeedada ka dambeyso in la weeraro.
Ciidamada Dowladda oo gaaray Hotelkaan, ayaa isku wada gadaamay, isla-markaana gaadiidka Ambalaasta ayaa daad gureyneysa dadka weerarkaan wax ku noqday.
SDN Muqdisho
