Hargeysa:9-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu Horraysay Ka Warramay Sababta Keentay inuu Dib u dhaco Shirkii lagu waday inuu Maalintii shalay Dalalka Somalia iyo Somaliland ugu Bilaabmo Magaalada Ankara ee Waddanka Turkiga.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo aanu Habeenkii Xalay Waraysi Gaar ah Siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay inay Xukuumadda Muqdisho iyo Somaliland isla ogyihiin dibu dhaca shirkaas ku yimi, waxana uu sheegay in Dib u dhacu ka yimi dhinaca Muqdisho oo Cudurdaar Sheegay, “Imikana waxa ay dalbadeen in dib loogu dhigo, waxana ay yidhaahdeen Hawlo badan baa nagu furan, annagana waxa ay noo soo Direen Farriin ay soo mariyeen Safiirka Turkiga ee Muqdisho Jooga, waana aanu ku waafaqnay.” Ayuu yidhi maxamed Biixi Yoonis.
Maalinta Cayiman ee Markii hore loo qabtay shirka oo shalay ku Beegnayd ayuu wasiir Biixi sheegay inay markii hore ka timi xagga somalia, somaliland ahaanna ay ku raaceen in maalintaas la isu yimaaddo intii aan Cudurdaarkan dambe imanin, waxana uu yidhi, “ “Markii hore waxa Dalbaday Dawladda Muqdisho in 8-da iyo 9-ka Bisha laga dhigo, markii aan Turkiga Tagnayna waa nala waydiiyey oo waxa nalagu Yidhi miyaad wax ka qabtaan maalmahaas ay dalbadeen, annaguna waxba kama qabnaanu nidhi.”
Wasiir Maxamed Biixi oo warbaahintu waxa ka weydiisey Maalinta loo cayimay shirka somalia iyo somaliland, maadaama dib looga dhigay maalintii hore ee la isku ogaa ayaa yidhi, “shirka waxa ay u cayimeen Toddobaadka ugu horreeya ee Bisha December, waxana ay Na Waydiiyeen aragtidayada ku wajahan Xilligaas ay qabsadeen, waana aanu ku raacnay sidaasaana Dawaladdii Turkiga ee Dhexdhexaadinta wadday Nagaga Warhaysaa.”
Shirkan lagu waday inuu Maalintii shalay ka furmo Magaalada Ankara ee Carriga Turkiga, ayaa looga Gol lahaa in lagu sii Amba qaado Wajigii Saddexaad ee Wada-hadalladii u dhexeeyey Somalia iyo somaliland, waxana ay Shacabka reer Somaliland ka qabeen rajo fiican oo ay ku gaadhi karaan ictiraafka iyo madax bannaanida ay muddada badan raadinayeen.
Dawladda Turkiga oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawllanadeen Xal u helidda mashaakilka ku Furan Soomaalida, ayaa isku Hawshay sidii ay meel isku keeni lahayd somalia iyo somaliland, waxana wada-hadallo laba jeer ka dhacay Dalkaasi lagu gaadhay Qoddobo Dhawr ah oo loo qaaday kaliya dhinaca is fahanka iyo ka wada hadalka wixii ka dhaxeeyey somalia iyo somaliland oo aan wali la kala gurin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
