Uncategorized

Ragii weeraray Westgate Mall oo la aqoonsaday

Nairobi Nov 19,2013(SDN)-Mid ka mida saraakiisha diblomaasiyadeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in la aqoondasday ragii weeraray bishii Sebtember rugtii ganacsiga ee Westgate Mall.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in uu waramo bacdamaa aan loo fasixin xogtana aan weli si resmi ah loo shaacin ayuu waxa uu ku gaabsaday uun in ragani aaney ka iman dalalka USA iyo UK.

Laba ka mida ayaa uu sheegay in ay Kenya ku sugnaayeen ilaa bishii Jue ee ina dhaaftay oo ay ku noolaayeen xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ilaa iminka la hubo in weerarkaasi ay ku naf waayeen 67 ruux balse ay weli dhici kareyso in tiradaasi ay kororto.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com