Hargaysa 19.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxa uu ka hadlay arimo door ah oo khuseeya nabadgalyada,isagoo Xisbiyada Mucaaridka ahna u soo jeediyay inay kala gartaan Qaranimada iyo Mucaaridnimada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade waxa uu ku adkaystay in Qabashada Shirkaas Tallo Qaran ee ay Madaxda Axsaabta Mucaaridku ku baaqeen aanu waafaqsanayn nidaamka Sharci ee dalka u degsan isagoo intaas ku daray in Cida Qudha ee Shirkaas iclaamin karta uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isagoo hadalkan ka Jeediyay Mar uu Maanta u waramayay Warbaahinta Dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
