Uncategorized

War Murtiyeed:Hiil Dastuur iyo Dimuqraadiyad – HDD

Muqdisho Nov 19,2013.Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku shiray 50 xildhibaan oo ka kala socda 5 ta beelood ee Soomaaliya.  Waxay xildhibaanadu shirkoodaan ku sifeyeen mid ay ugu hilinayaan dastuurka qaranka iyo nidaamka dimuqraadigaa ee dalku hiigsanayo. Waxayna cadeeyeen inay ka dhiidhiyeen marin-habowga siyaasadeed ee dalka la galinayo, dastuurka lagu tumanayo iyo musuq-maasuqa loo adeegsanayo golaha shacbiga.

Waxay xildhibaanadu tilmaammeen in ujeeddadda ugu weyn ee ay kulankan ka lahaayeen ay ahayd taageerida iyo kalsooni muujin la xiriirta ku dhaqanka Dastuurka iyo Dimuqraadiyada. Waxayna sharci daro ku tilmaameen mooshinada siyaasadaysan ee lagu doonayo in awooda fulineed lagula wareego. Waxay tilmaameen inaysan dastuuri ahayn arrintaasi  lagana baaqasado.

Xubnahani waxay si wada-jir ah ugu baaqayaan dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed inay u istaagaan ilaalinta dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyada oo ah wadada kaliya ee qaranka lagu badbadin karo kuna hano qaadi karo. waxay sidoo kale ku baaqeen, in xildhibaanadu dhex-dhexaad ka noqdaan xal u helida khilaafka dastuuriga ee u dhexeeya madaxda golaha fulinta.

###

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
Afhayeenka Xildhibaanada HDD