Tan iyo intii ay jamhuuryada somaliland xornimadeeda lasoo noqatay 18may 1991, waxay soo martay dabaqado fara badan taaso ay ku timid doorka ay maanta ka ciyaarayso dowladaha ka dhisan mandaqada geeska africa. nidaamka uu dimuqraadi ee qarankani qaatayna uu ahaa mid (dhexdhexaada) dhexdhexaad markaanu leenahay waxa weeyi mid dhinicii dimuqraadiyada ku shaqaynaya,dhinaca kalena uu yahay hab dhaqameed ay bulshada dalkan ku wada nooli ay wax kuwada qaybsadaan. hadaba marka taas aynu soo sheegnay laga yimaado ayaa 10 july 2013 ayaa siyaasiyiin qiimo weyn ku leh qaranka, ay ku dhawaaqeen,gole qaran oo loo bixiyey (golaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka) taas oo markay dhacday aad dood adag ka dhex abuurtay bulshada s.land dowlada xukunka talda ku haysana ay si adag uga jawaabeen,iyagoo sheegay inaanay golahani aanu sharci ahayn, kuna dhisnayn nidaamka umadani ay dastoorka ka dhigatay,kuna gacan saydhay inaanay wax aqbalaada siin doonin. hadaba doodo adag ka dib,ayaa golahni si uu hadafka uu leeyahay u gaadho, ugana midho dhaliyo uu ajandayaashii uu watay uu ku wareejiyey labada xusbi qaran ee mucaaridka ah taas oo guntii iyo gabagabadii ka aqbaleen,inay iyagu la wareegaan ajandayaasha ay una bandhigaan xisbul xaakimka,maadamay iyagu ay ku yimaadeen hab sharciya taasoy isla garteen hadaba shir jara’id oy qabteen gudiga qabanqaabada shirka dooda qaran ee ay ku baaqeen xisbiyada wadani iyo ucid ayey ku sheegeen inaanu hakan doonin uuna dhici doono wakhtigiisa. gudoomiyaha gudidaasi dr. maxamed cismaan fadal iyo ku xigeenkiisa marwo faadumo siciid ayuu ku sheegay, “waxaanu qabanaynaa dood qaran,dooda qarana dastuurkay salka ku haysaa,sharciga dalkay salka ku haysaa,doorashooyinkay salka ku haysaa,xukuumada jirta iyo citiraafkeeday salka ku haysa,xisbiyada sharciga ah citiraafkooda iyo awoodahoogay iyo waxa loo igmadaybay salka ku haysaa,doodayadan qaran marka intaa dowlada ku wareegsan laga tago, waxay u samaynaysaa waxay xero iyo meel ay soo galaan,madal ay ka hadlaan u sameynaysaa dadka balaadhan, ee umada aqoonyahankeeda ,dhalinyaradeeda,haweenkeeda, qurbojoogeeda,oo is leh wax ku darso qarankaaga sida loo hogaaminayo iyo sida loo hagaajinayo. waxay doodan qaran tahay inay wixii dhiman laga wado hadlo,in wixii xun laga wado hadlo,in mustaqbalka halkii soconayo wadadiisa la jeexdo,inaanay maskaxo meel isku xidhay oo baqanayaaa aanay ku filnayn ee in wax lagu darsado ayey dooda qaran keenaysaa. Afar qodob oo muhiima baa ah, wixii umada weyni nagu soo darsatana waanu ku daraynaa, qodobadaas oo ahaa.
1. waa doorashooyinka inaynu dibindaabyadooda iska gufayno,oo qaarba inaga xumadeye aanay dib inooga xumaanin
2. waa madax banaanida dalkan sidii looga wada hadli lahaa iyo sidii loo jeexi lahaa iyo sidii aynu usii hagaajisan lahayn,oo caalamkii iminka aynu ka shakisan nahay ee duruufahaa owgood uu shaki badani inaga galay,sidii aanu dib aanu soo dabaalan lahayn.
3. waa inaynu la xisaabtamno dowlada aynu sharciga lagu doortay, ee balanqaadyada inoo sameysan ee la yidhi sharciga inoo ilaali, dastuurkana inoo ilaali waa in lala xisaabtama, hadiiay sharciga jabisay iyo hadii ay wanaag nagu wado, waa inaynu la xisaabtamaa
4. wixii qabyo ah ee inaga dhiman ee ay ka mid tahay guurtidu, miyeynu doorana, miyeynu ka tagnaa, miyey is dhaxlayaan. shuruucda u samaysanay iyo astaamahaynu u samaysanay ma ku fadhiyaan oo maku haboon tahay, shirka iyo dooda aynu leenahay waa taa iyo wixii saalaxa ee dadka kasoo baxa”
iyadoo hadaba xaaladu halkaa mareyso ayaanu akhriste ku leenahay fikirkaagu, sideebuu u arkayaa su’aashan ah “SIDEE BAAN U ARAGTAA, GUDIGA QABANQAABADA SHIRKA DOODA QARAN?
muniir ibraahin cumar
fahiim18@gmail.com.
