Hargeysa-19-2013(SDN)-Deegaanka Galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa shil galabta ka dhacay waxa ku Geeriyooday Lix qof oo ay ka mid ahaayeen Mulkiilaha Shirkadda Somcable walaalkii iyo Engireenkii Guud ee shirkadaas, kadib markii ay isku dhaceen Gaadhi ay wateen saraakiisha shirkaddaasi iyo Gaadhi kale oo Nooc Dhaynaha loo yaqaano ahi.
Eng.Axmed Aadan Xasan oo ahaa Engineerkii Guud ee Shirkadda Somcable iyo Mulkiilaha Shirkadda walaalkii Oo Lagu magaacbi jirey Maxamuud Aw Siciid iyadoo afar Qof oo kalena ku geeriyoodeen shilkan Baabuur ee Galabta ka Dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Halka Loo Yaqaan Maqaaxida Inanta.
Mulkiilaha shirkadda walaalkii ayaa isagu isla halkiiba ku Geeriyooday, halka uu Engineerku ku naf baxay khakhtarka.
Tiro ka mid ah dhaawaca oo xaaladdoodu aad u cuslayd ayaa loola cararay Waddanka aynu jaarka nahay ee Djibouti si ay daaweyn toolmoon ugu helaan.
S.D.N
