Hargeysa:20-Nov-2013(SDN)-Hoggaanka Sare Ee Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, ayaa eedo kulul u soo Jeediyey Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye oo ay ku tilmaameen kuwo Fadhiidnimo u horseeday waddanaka.
Xubnaha oo ka kooban xubnaha ugu sarreeya Xisbiga UCID, islamrkaana xilal kala duwan haya, ayaa Bulshada u soo Bandhigay Dhacdooyin ugub ku ah taariikhda Somaliland oo waddanka lagu arkay intii Xisbiga Kulmiye Waddanka Qabsaday, iyagoo dhinaca kalena si kulul uga jawaabay Haddalo aan loo Meel Dayin oo Xoghayama maaliyadda Xisbiga UCid ay ka sheegtay marwada madaxda Ka ah waaxda Samo-falka ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid, Marwo xaliimo cismaan raage oo ugu Horrayn Halkaas ka Hadashay, ayaa Hadalkeeda Ku Bilowday sidan, “wali kulmiye ma uu noqon xisbi xilkii Dawladnimo ee Somaliland qabtay ma aha, walina waxa ay taagan yihiin mucaaridkii, Dameer Hadduu Ciyona waxa u jawaabo Wasiir ama xildhibaan.”
Marwo Xaliimo oo Hadalkeeda Sii Wadata, ayaa tilmaantay inay kulmiye ku guuldarraysteen inay ugu yaraan qabyo-tiraan waxyaabihii ay xukuumaddii udub waddanka ka bilowday ee ay waddooyinku ugu horreyeen, waxana ay tidhi,“Waddo xumo maalin walba waxa u dhinta kumaan haldoorkii Somaliland ah, waddooyinkii la bilaabay dhammaantood waa wada Qabyo mana jirto illaa hadda wax waddo ah oo la dhamaystiray, waxa kaliya ee ay soo kordhiyeenna waa qabyooyinkii uu xilka ugu yimi oo sidoodii ah, Beenna ka ma waantoobaan, mana qaangaadhaan oo Bulshadii way Baratay, Kii Calankii Udub u xidhay Eyga waa Kii Kabta u taagay Kulmiye.”
Marwo Xaliimo waxa kale oo ay ka hadashay sida ay Nabadgelyadii waddanku faraha uga baxday, una gaadhay Heer haldoorka Bulshada si cad loo toogto, waxana ay tidhi, “nabadgelyadii uu ina rayaale idinku wareejiyey Halkeed Geyseen, waxa la gaadhay heer suuqyada la isku toogto oo waliba haldoorkii uu maxamed faarax qabile iyo ina Kaahin ka mid ahaayeen la wada toogtay iyadoo madaxtooyada laga soo abaabulay.Muxuu Xaashi Muuse Xuseen ku xidhan yahay ma Cabdicasiis buu kaa raacay Muuse Biixi-yow”
Marwo Xaliimo waxa ay ku adkaysatay inay Xaq u leeyihiin qabashada shirka talo qaran, waxana ay ku adkaysatay inaanay cidna uga fasax qaadanaynin wax ay xaq u leeyihiin, “shirka qaran waanu qabanaynaa ninka toosinta diidowna waxad doonaysaa qallooc, waana wax aanu xaq u leenahay oo aanaan cidna u daba fadhiisanayn, cid nooga lexejeclo badanina ma jirto”
S.D.N
