Uncategorized

Xildhibaano Ku abtirsada Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye oo Difaacay Go’aankii Isku Shaandhaynta Gudoomiye Cirro,isla markaana daadifeeyay dhawaqii labada Gudoomiye Xigeen {DHAGAYSO}

Hargaysa 20.Nov 2013 (SDN)- Xildhibaanada Golaha Wakiiladda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiiladda ayaa taageeray go’aankii uu Guddoomiye Cirro ku sameeyey isku-shaandhaynta, waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankii ay shalay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye ka soo jeeda ee Golaha Wakiiladdu ku burinayeen isku-shaandhayntii iyo is-doorashadii gudiyadda Golaha.

Xildhibaan Cumar San-weyne, Xildhibaan Ibraahim Rayte iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo sadexdooduba ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye isla markaana laga soo doortay barriga Burco ayaa ku Eedeeyey labada Guddoomiye ku-xigeen ee Xisboogada ka soo jeeda ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf in aanay Kulmiyena waxba u doonayn, xukuumadna waxba u doonayne ay shakhsiyaad wax la rabaan waxaanay go’aankii ay shalay soo saareen ku tilmaameen in aanay awood u lahayn.

Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Nuxurka Dhaleecaynta Xildhibaanadan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XubnoXildhibaano20.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com