Uncategorized

Ergeyga Gaarka ah ee QM oo dalbaday in Madaxweynaha Soomaaliya uu sida ugu dhakhsaha badan u soo magaacaabo Raiisul Wasaare Cusub

Nairobi Dec 03,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in  loo baahan in si deg dega loogu soo magaacaabo raiisul wasaare cusub oo dalka Soomalaiya yeesho.

“Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha uu wada tashi baahsan ka hor aanu cidna dooran. waa wada danteena in raiisul wasaaraha cusubi uu dawlada uu soo dhisi doono ay noqoto mid loo dhan yahay oo wadaka mideysa isla markaana baahiyaha Soomaalida ee nabada,sharciga iyo koboc dhaqaale wax ka qabata” ayuu yiri Mr Kay.

Kay ayaa sidoo kale u mahadceliyay raiisul wasaare Saacid isla markaana sheegay in codkii loo qaaday uu waafaqsanaa dastuurka iyo hanaanka federaalka.

“Hay’adaha Soomaaliya waa ay soo qaangaarayaan,QM waxa ay u taagan tahay in ay gacan ka geysato horumarka iyo in ay la shaqeyso xukuumada cusub”ayuu yiri Mr Kay.

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Soomaaliya ay kalsoonidii kala noqday raiisul wasaare Cabdiqaadir Faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heysta mudo bil ah in uu ku soo magacaabo raiisul wasaare cusub oo xilka la wareega.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com