Uncategorized

Soomaalida Minneapolis oo doonaya in ay Iddaacad Furtaan

ST.Cloud Dec 03,2013(SDN)-Urur Soomaaliyeed oo ka hawlgala magaalada ST.Cloud ee Gobolka Minesotta ee dalka Mareykanka ayaa doonaya Iddaacad aan sidaa u sii baahsaneyn in ay magaaladaa ka hirgeliyaan.

Iddacada oo u adeegi doonta Soomaali tiradooda lagu sheegay ilaa 13,000 oo ruux oo ku nool nawaaxiga magaalada ST.Cloud.

Ururka SASSO iyo KVSC-FM ayaa mudo sanad kor u dhaafeysa waday baahin ay iska kaashadeen oo ku wejahan u adeegida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.

Mashruucan oo ay qeyb ka mid ah maalgeliso dawlada ayaa haatan wada baahin dhanka Internetka ah oo 24 sacadood baxa.

Agaasimaha SASSO Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Radiyoogu noqon doono hab isgaarsiineyd oo ay bulshadu uga faaiideysato dhinacyada waxbarashada,caafimaadka iyo is-dhexgalka Bulshada.

“Waxa Bulshada reer ST.Cloud aanu wax ka bari doonaa Soomaalida iyo taariikhdeeda si ay u arkaan waxyaabaha ay ka siman yihiin”ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

Margo Devenport oo ah madaxa hay’ada dawlada dhexe u qaabilsan isgaarsiinta ee FCC ayaa xaqiijisay in dalabka ogolaashaha Iddaacada Soomaalida ay heshay,waxaase ay intaa raacisay in bilo ay qaadan doonto qiimeynta codsiga Soomaalida.

Balse dhinacyada ku hawlan hirgelinta Iddaacada Soomaalida ee magaalada ST.Cloud ayaa rajeynayaa in deyrta ay Iddaacadu hawada geli doonto.

SDN-ST.Cloud
contact@somalidiasporanews.com