Uncategorized

Booliska dal reer Yurub ah oo markii u horeysay Nin toogasho ku dilay

Reykjavik Dec 03,2013(SDN)-Ciidamada Booliska dal ka mida ah kuwa reer Yurub ayaa markii u horeysay ebid toogasho ku dilay nin hubeysan oo weeraray.

Booliiska dalkan reer Yurub ayaan hubeysneyn waana dal aan laga aqoon fal danbiyeedyo loo isticmaalo hubka noocuu doono ha ahaadee.

Dalka Iceland oo ay gebigiisaba ku nool yihiin320,000 oo ruux ayaa xaafada Arbaer waxa Boolis ku sugnaa xabad ku soo riday nin hubeysan oo ku jiray daar.

Booliska ayaa deeto isku deyay in ay ninkan qabtaan oo aqalkii uu ku jiray ku tuur walxaha qiiqa deetana waxa galay boolis hubeysan oo toogtay ninkii hubeysnaa.

“Ciidamo Boolis ahaa intii aanu heynay baanu aqalka ninkan geeriyooday isugu geynay si aanu u qabano,waase ay inoo suurto geli weyday,waxa uu rasaas ka soo ridayay daaqadaha aqalkii uu ku dhuumaaleysanayay”sidaa waxa yiri taliyaha ciidamada Reykjavik Stefan Eiriksson.

Ninkan noqday kii u horeeyay ee ay Booliska Iceland ebid toogtaan ayaan ilaa iyo haatan magaciisa la shaacin.

Waxase la sheegay in uu yahay nin dhawr iyo konton jir ah oo jaarkiisa ku cabsiinayay qori uu heystay.

Dalka Iceland ayaa hubka oo ugaarsi loo isticmaalaa sharcigu ogol yahay balse inta badan ma dhacdo in hubka faldanbiyeedyo loo isticmaalo.

SDN-Reykjavic
contact@somalidiasporanews.com