Uncategorized

Dhex dhexaadin lagu soo afjarayo Dhinacyadii ku dagaalamay Degmada Taleex oo ay Wax garad isku hawleen

Laascaanood 03.Dec 2013 (SDN)- Odagayaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa sheegay inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyadii dhowaan ku dagaallamay degmada Taleex.

odayaaha taleexErgo nabadeed oo ka ambabaxday magaalada Laascaanod ayaa gaartay degmada Taleex, si ay u soo af-jaraan colaadda oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakaca dad rayid ah.

Caaqil Axmed Cabdi Gaas oo ka mid ah Salaadiinta gobolka Sool ayaa sheegay inay wada-hadalsiinayaan dhinacyada ay colaadda ka dhaxayso.

Ergada nabadeed ayaa ah tii ugu horraysay ee gaarta degmada Taleex, tan iyo markii 27-kii bishii hore ay ku dagaallameen dhinacyo kala taageersaan Puntland iyo maamulka Khaatumo.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com