Laascaanood 03.Dec 2013 (SDN)- Odagayaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa sheegay inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyadii dhowaan ku dagaallamay degmada Taleex.
Ergo nabadeed oo ka ambabaxday magaalada Laascaanod ayaa gaartay degmada Taleex, si ay u soo af-jaraan colaadda oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakaca dad rayid ah.
Caaqil Axmed Cabdi Gaas oo ka mid ah Salaadiinta gobolka Sool ayaa sheegay inay wada-hadalsiinayaan dhinacyada ay colaadda ka dhaxayso.
Ergada nabadeed ayaa ah tii ugu horraysay ee gaarta degmada Taleex, tan iyo markii 27-kii bishii hore ay ku dagaallameen dhinacyo kala taageersaan Puntland iyo maamulka Khaatumo.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com
