Uncategorized

Xaawaleyda Ku Xeeran Madaxtooyada Oo Carqalad Ku Haya Hawlo Samo-fal oo Marwo Faadumo Siciid Ka Waddo Dalka iyo Socdaala Laga Hor istaagay

Hargeysa:04-Dec-2013(SDN)- Guddoomiyaha ururka Wadaniga ah ee  Odxa Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa sheegtay in maamulka Gobolka Gabiley ay ka hor joogsadeen inay Gasho Magaaladaas.

faadumoMarwo Faadumo Siciid oo  Habeenkii xalay U Warrantay Qaar ka mid ah warbaahinta somaliland, ayaa sheegtay in laga Horjoogsaday Qorshe ay doonaysay inay Magaalada Gabiley kaga soo furto Tartan Heerka labaad ah oo dhallinta lagaga wacyigelinayey Tahriibta.

Ugu horeyn waxa  ay Marwo Faadumo siciid sheegtay inaanay cidna uga Habranaynin Tagitaankeeda Magaalada Gabiley iyo wax u qabashada Dhallinta da’yarta ah,”Runtii Safar aan lahaa aad ku tagtid Magaaladda Gabiley ayaa la iga horjoogsaday, waxaanu ahaa mid aan kooxaha Heerka Labaad ee Magaalada Gabiley aan ugu soo furayay Tartan Kubada cagta ah, kaas oo la mid ahaa kii aan dhawaan ku soo gabogabaynay Hargeysa Stadium, laguna dhiirigelinayay dhalinyarada sidii loo joojin lahaa Tahriibka” ayay tidhi marwo Faadumo.

Marwada oo ka hadlaysa cidda ay u aanaynayso inay amarkaas qaldan bixisay, ayaa tidhi, “Amarkaasi waxa uu ka soo fulay Maamulka Gobolka Gabiley, waana wax fool xun oo ah wixii aynu ka soo dagaalanay ee aynu kaga hornimid Faqashtii” .

Sidoo kale waxa ay ku adkaysanaysaa in ay booqan doonto oo aanay jiri doonin cid ka hor istaagi karta Magaaladda Gabiley “Ma jirto cid iga horjoogsan doonto Magaaladda Gabiley, waanan tagayaa” ayay hadalkeeda ku soo koobtay Marwo Faadumo Siciid.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf ibraahim Geeddi oo isagana wax laga weydiiyey Jiritaanka Eedayntan, ayaa sheegay inaanu waxba kala soconin Cabashada Marwada, waxana uu tilmaamay inaanu jirin wax amar ah oo uu ku bixiyey inaanay Faadumo soo gelin Gobolkaas uu masuulka ka yahay.

Marwo Faadumo siciid oo ah Xubin laf Dhabar u ah dhallinyarada Somaliland, ayaa ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku haysaa  Cadaadis badan iyo kala dhantaalid ay Hawlaha horumarineed ee ay waddo dhabarka kaga jabinayso, waxana intaas u dheer Cay iyo Afxumo ay qaar ka mid ah Haweenka Madaxtooyada ka Ag dhawi warbaahinta Dawladda kaga Daldalaan.

Canjarafayntan Cusub ee haatan  xukuumaddu kaga soo jorjeeddo tallaabooyinka Faadumo siciid Da’yarta wax ugu qabanayso, ayaa  looga Gol leeyahay in lagu hor istaago dedaalkeeda ay dhallinyarada  xukuumaddu dayacday ugu gurmanayso, maadaama haatan ay faadumo hantiday rabitaankii iyo taageeradii dhallinyarada somaliland.

Haweenka Madaxtooyada ku Urursan oo ay ugu horrayso Haweenayda ka dhego adaygtay Wasaaraddii Dibu dejinta ee Madaxweynuhu u beddelay, ayaa Dagaal dhinacyo badan ah ku haya Marwo Faadumo siciid, waxana taas ku raacsan qaar ka mid wasiiradda oo si Fudud u soo qaata Amarka Haweenka Madaxtooyada ku wareegsan, islamarkaana Dhegta ku soo qaada Amarkaas Dumarka kaga yimi.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com