Uncategorized

Xukuumada Somaliland oo Si gaar ah u Xustay Munaasibada Maalinta Xuquuqul Iinsaanka iskana fogaysay inay Madal isugu keento Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka

Hargaysa 10.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane cabdiraxmaaan cabdilaahi isamaaciil [ saylici] ayaa maanta ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee  xuquuqal insaanka  oo lagu qabtay magaalada hargaysa

Xafladan oo ay kasoo qeyb galeen wasiirka wasaarada cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , gudoomiyaha maxakamada sare , ururada xuquuqul insaanka xildhibano qareeno iyo suxufiyiin iyo martisharaf kale.

Gudoomiyaha gudida xuquuqul insaanka qarnaka marwo fadxiya xuseen axmed oo ka warantay heerka xuquuqul insaanku ka joogo Somaliland ayaa sheegtay  in  sanadkan ay hoos u dhaceen tacadiyada ka dhanka  ah xuquuqul insaanka ee loo gaysto aadmaha islamrkaana ay ka hawl galeen kiisas badan oo la xidhiidha xuquuqda aadamaha   waxaana ay  xustay in ay wada shaqayn fiican leeyihiin hayadaha garsoorka ee dalaka.

Waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada cadaalada md  Xuseen Axmed Caydiid oo si weyn u amaanay masuuliyiinta  komishanka xuquuqul insaanka qaranka oo uu ku tilmaamay in ay hawshooda si fiican u gutaan islamrkaana ay wasaarad ahaan leeyihiin wada shaqayn buuxda, wasiirku waxa intaa uu ku daray in cadaaladu ay tahay   tiirka ugu muhiimsan nolasha aadamaha islamrkaana loo baahan yahay in si weyn loo  dhawro .

Wasiirka wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare marwo Sam sam Cabdi Aaden oo xafladaas hadal ka jeedisay ayaa tilmaamatay in waxa ugu weyn ee mudan in xuquuqdiisa la ilaaliyaa  ay tahay karaamada aadamaha sidaa darteed loo baahan yahay dawlad iyo shicib in la ilaaliyo xuquuqda aadamaha masuuliyadaasna la isu wada xilqaamo.

Gudoomiyaha mxakamada sare Md Yusuf Ismaaciil Cali oo xaflada ka hadlay   ayaa sheegay  in munaasibadani  tahay mid caalami ah oo lagu xusayoxuquuqda aadamaha iyada oo ummud walba karaamadeedu ku xidhntahay sida ay  isaga xilsaarto dhawrista xuquuqal insaanka taas oo u baahan ayuu yidhi qiime wayn..

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo halkaasi ka hadlay ayaa soo  ku dheeraaday  mudnaanta ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadamuhu taas oo ay sheegeen in diinteena islaamku siisay xurmada ay mudanyihiin adamuhu  waxaana ay ka hadleen taariikhada maalinta xuquuqul isaanka dunida oo caalamkoo dhan lagaxusayo.

Gabagabdii waxa halkaasi hadalo la xidhiidha munaasibadaas  ka soo jeediyay madaxweyne ku xigeenka jsl Md Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil saylici oo  u Jjeediyay cid kasta oo masuuliyad u haysa qaranka  in ay u cadaalad sameeyaan dadka  ay xukumaan  ee ay masuulka ka yihiin  isaga oo sheegay in cadaaladu ay ka bilaabanto gunta , waxaana  madaxweyne xigeenku  intaa ku daray  isla markaana uu faray  hay’ada xuquuqul insaanka qaranka  in ay balaadhiso shaqadeeda  oo  ay wada gaadhsiiso adeega ay bulshada u hayaan  gobolada   iyo degmooyinka  dalka.

Munaasibad ayaan lagu soo Casuumin daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka taas oo keliftay in Xisbiga Mucaaridka ee Ucid iyo Madax ka Tirsan Xisbiga Waddani ay ku qaabilaan Banaan bax Salmi ah inkastoo loo xidhxidhay qaar ka mid ah Mudaharaadayaashi iyadoo  ay dawladu ku doodayso inaanay haysan fasax loogu ogolaanayo Isu soo baxaas.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com