Uncategorized

Golaha Deegaanka Hargaysa oo Ruqsadii Shaqo kala noqday Labadii Shirkadood ee Qashin Ururinta Caasimada

New Movie (4) (3).Movie_SnapshotHargaysa 10.Dec 2013 (SDN)- Fadhi aan caadi ahayn oo maanta golaha deegaanka caasimada hargaysi ku yeeshay xarunta dawlada hoose ee hargaysa ayaa  waxa warbixin dheer halkaasi ka soo jeediyay agaasimaha waaxda arimasha bulshada dawlada hoose  oo ku dheeraaday sida shirkadaha qashinka u xil saaran qaarkood ay u dayaceen waajibaadkii loo dhiibay sidaa darted lagala noqonayo ruqasadii shaqo ee hore dawlada hoose u siisay.

New Movie (4) (4).Movie_SnapshotWarku wuxuu  intaa ku daray in shirkadahaasi kala yihiin shirkada dhis iyo sabo wanaag oo ka hawl gali gali jiray degmooyinka axmed dhagax , maxamud haye iyo iyo 31 may Wuxuu agaasimuhu Xusay oo kale in meeshaad martaba aad ku arkaayso qashinkii oo buuxa .waxaanu intaa raaciyay in dhibaatada haysta shirkadahaasi in ay tahay iyagoo aan haysan gaadiid iyo shaqaale ku filan oo qabta hawsha balaadhan ee ay hayaan.

sawirFadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha deegaanka caasimada  ahna duqa magaalada hargaysa md cabdiraxmaan maxamuud caydiid [ soltelco] ayaa xildhibaanada usoo jeediyay in laga dodo arinta labadaasi shirkadood islamrkaa cod loo qaado in ay shaqadaasi sii hayaan iyo in lagala noqdo ruqsada waxaanay xildhibaanadii cod aqlabiyad ah isagu raaceen inlagala noqdo ruqsada shirkadaha qashinka guri jiray ee Dhis iyo Sabawanaag,Waxaana Taas  badalkeeda uu Maayarku sheegay inay Naadin doonaan Shirkadaha kaalintaas buuxin doona .
sawir sas

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com