Minneapolis Jan 02,2014(SDN)-Dab iyo qarax wada socda oo ka dhacay magaalada Miineapolis Fooq ku yaala ayaa waxa ku dhaawacmay 14 ruux oo Soomaali ah.
Qaraxa oo dhacay daqiiqado ka dib kolka dabku Fooqa qasaday ayaa gurmadkii degdega ahaa ee goobta gaaray ku adkeeyay hawshoodii,sida uu sheegay Taliyaha ciidankii birmadka ahaa ee goobta tagay.
Ciidamadii u soo gurmaday Fooqa dabku qabsaday ayaa dadkii dhaawaca ahaa waxa ay ula muuqdeen qaar Fooqa ka soo dhacay ama daaqadaha ka soo booday.
Dadka oo dhaawacooda la gaarsiiyay cisbitaalka Hennepin ayaa waxa ku jira ilaa lix ruux oo xaaladoodu khatar tahay.
Ma cada ilaa haatan sababta dabka dhalisay,sida ay ciidamada amaanku sheegeen.
Waxa dabka iyo qaraxaba ka badbaaday Masjid Soomaalida Minneapolis ay ku cibaateysato oo ku naban Dabaqa Gubtay.
Imaamka Masjid Dar Al-Hijrah Cabdisalaam Aadan ayaa sheegay in uu eebe u baryayo intii ku waxyeeloowday dabka iyo qaraxa.
Cabdi Warsame oo dhawaan loo doortay Gollaha degaanka ee Minneapolis ayaa dadka degaanka ka codsaday in ay caawiyaan dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com
